Xisbiyada Wadani Iyo UCID Oo Maanta Laga Sugayo War-murtiyedkodii U Horeeyay

0
661

Picture4Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID ayaa maanta laga sugayaa inay wada jir u qabtaan shirkoodii jaraa’id ee ugu horeeyay, ka dib wada hadalo socday oo ay soo gunaanadeen.

Labada xisbi mucaarad oo aanu xidhiidhkoodu hore u wanaagsanayn, ayaa waxa ay dhawaanahan bilaabeen wada hadalo ay wadeen guddi ka socotay labada dhinac, kuwaas oo aakhirkii madal isugu keenay labada hoggaamiye xisbi oo iska cafiyay warmo siyaasadeed oo ay hore isula dhaceen. Waxaana la filayaa inay labada xisbi maanta soo saaraan warkoodii u horeeyay ee u midaysanyihiin mucaarad ahaan, iyagoo la sheegay inay wixii maanta ka dambeeyana aragti midaysan ku waajihi doona xaaladaha uu dalku marayo.

Xukuumadda Somaliland oo hore uga nasatay mucaaradad kaga timaada UCID iyo Wadani, ayaa hadda la saadaalin karaa inay ka warwarsantahay midaynta cududooda, waxaanay midnimada labada xisbi mucaarad ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan dalka lagaga dhawaaqay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay xukuumaddu ka qaaday dareen sas ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhawr goor lagu eedeeyay inay gabeen kaalintoodii mucaaradnimo, mar haddii ay labadoodii isku jeesteen, halkii laga sugayay inay qorshe siyaasadeed oo ka turjumaya umadii codkooda siisay.