Faallo: A.A.Carab: Sannad Waliba Xeeshii!

1
703

a a carabQalin-jabisaye Guuli Waa Wali – Sidaa Waxa Maqaal Macno Badan oo dardaaran u ah ardayda Jaamacadaha ka qalin-jabisay ku yidhi Guddoomiyihii Hore ee Dallada ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamed Culimo – Isaga oo dhalinyarada iyo aqoonyahanada dalka u soo baxay tusaya inaan mar walba la filan in qalin-jabinta ka dib subag xusulada laga leefayo, ee ay xisaabta ku darsadaan inuu u bilaabmay safar la marayo jid qodxo badan oo loo baahan yahay in lagaga gudbo samir iyo dedaal si markaa ka dib loo gaadho guusha aqoonta iyo xirfadaha la barto laga dhaxlo.

 

Haddii ay sidaas tahay, sow muhiim ah inaan dhalinyarada u qalin-jabisay dalka iyo dadkayga oo bishan u dambaysay kor u dhaafaya 1200  aan la qaybsado Farxadda, una jeediyo wixii dardaaran ah ee Alle (SW) I karsiiyo.

Hadaad ila qaadataan, intaynaan meel kale u kicin, sow ma haboona inaynu si dhaygag ah u wada dhugano oo aynu Macnaheeda u qaadano weedha kor ku xusan ee odhanaysa “QALIN-JABISYE – GUULI WAA WALI” oo aynu u fahanno in halka loo socdaa tahay inaan quluubta la galin in xafladda qalin-jabintaada ka dib aad shaqo hesho, balse maskaxda iyo maanta lagu hayo in hawl tii hore ka adagi kuu taalo, loona baahan yahay in tab iyo xeelad kaga baxdo oo aad ka midho dhaliso hamigaaga gaarka ah adiga oo aan dawlad ama cid kale isku halaynayn.

Waa Yaabe, Qormadan kooban, Waxa igu dhaliyey markaan arkay arday qalin-jabiyey oo hiifaya aqoontii uu bartay markii ay laba kala noqdeen aragtidii uu qabay markuu Jaamacadda ku jiray ee ahayd in shahaadadiisu ka xigto shaqo iyo nolol cusub, balse uu waajahay waayo culayskiisa leh oo u baahnaa ama u baahan in runta laga sheego oo dedaal iyo karti lagaga gudbo – laakiin aan la aaminin in laguu yeedho oo gacanta lagaa galiyo furayaasha xafiis qurux badan, sow looma baahna inaad Maskaxda iyo Maankaaga gilgisho oo aad naftaada u sheegto inaan filkaa Caaro ku dheerayn oo aad kaligaa iskeeni karto.

Maansadii SIRTA NOLOSHA ee Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, oo tusaale ugu filan ruuxii  doonaya inuu iskeeno, ayaa waxa ka mid ahaa:-

Hilaygiyo Waxaan Saabka

U Gilgilay Samow Haanta

Subag Inay Ku Dhiiqdaaye

Saasay ku badisaaye.

Sanad Waliba xeeshiiye…

Haddaad ila socotaan, bal u fiirso Weedhan oo kaliya “Hilaygiyo Waxaan Saabka, U Gilgilay Samow Haanta, Subag Inay Ku Dhiiqdaaye” waxay muujinaysaa ama aynu Tusaale uga dhiganaynaa in qofka looga baahan inuu isku day shakhsi ah sameeyo oo uu maskaxdiis tuujiyo ilaa uu guusha ka gaadhayo.

Haddii la yidhi dhalinyaradii qalin-jabisay iyo kuwa soo socda shaqooyin loo wada heli maayo – sow sanad waliba xeeshii maaha – oo laama baahna inaanad taa kaga jawaabin inaad dalka ka baxdo oo aad tidhaahdid dal shisheeye ayaan ajaanib dulman ka noqonayaan, adiga oo weliba og tiiraanyada iyo qaylo-dhaanta ka imanaysa dadkii sibiq dhaqaaqay ee Tahriibka u heensaystay.

Bal ila dhugta qayb kale oo ka mid ah Maansada SIRTA NOLOSHA ee Abwaan Hadraawi oo aad moodo inay ka hadlayso Tahriibka Maanta iyo Mushaakilaadka ka dhasha ee dhalinyaradu la kulmaan:-

Talo Sibiq Dhaqaadeeda.

Soof daran habowgeeda

Sal fudaydka hooggiisa

Bal Salaankan fuul laalan.

Iyo sabagtan heensaysan.

Dhulka saas u jeedaali

Sidan iyo sidaas fiiri.

Sidan iyo gedaal dheeho.

Raqda solan

Lafaa soogan

Bal su’aal U Celi Maydkan

Sababtuu u go’ay raadi

Bal dhageyso saylaanka

Iyo Salowga beer qaadka…

Haddii aynu Tusaale u soo qaadanay weedhahaasi u dambeeyay oo ka mid ahaa Maansadii SIRTA NOLOSHA oo aan is leeyahay waxay dabaqayaan Marxaladda maanta dhalinyaradu ku jiraan, waxaan ku soo gunaanadayaa in dhalinyarada Jaamacadaha dalka ka baxay ay maskaxdooda iyo maankoodaba isugu geeyaan sidii ay aqoontooda dalka uga faa’ideyn lahaayeen isla-markaana ay shaqooyinka ay u ooman yihiin ay dalkooda ugu samraan oo aanay farxaddii waalidka ee Maalintii qalin-jabintooda ugu bedalin uur-ku-taalo – Maadaama oo la yidhi Sanad Waliba Xeeshii oo bariba dalkeenu sidan dhaami karto.

W/Q – Cabdiqaadir Aaden Carab.

Comments are closed.