Cashuurkordhintu Ma Dhaqaale Kobcin Baa?

2
856

Iskudarsigii Soomaaliya iyo Soomaalilaand laga soo bilaabo, dhaqaalaha waxa ka talinayay soomaali iyo khabiirro shisheeya ah. Badi ba waxa uu khabiirku qoro ayaa la raaci jirey. Qarankii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed burbur. Sababta burburka keenaty na, waxa ay u badnayd dhaqaalaha oo xumaaday. Inta dhaqaaluhu wanaagsan yahay, burburka qaran waa yar yahay, wallaw kibir iyo durdur ay waxyeelo sababi karaan.

Haddii aynu is weydiinno, yaa ku habboon katalinta dhaqaale? Dhaqaaleyahan, siyaasi ma se qof caadi ah? Marka aynu qof caadiga ka reebno, siyaasiga iyo khabiir dhaqaale kee baa ku habboon dhaqaale katalinta? Siyaasiga dhabta ihi waxa uu og yahay awoodda dadka uu ka wakiilka yahay. Waxa ku waajib ah in uu illaaliyo danahooda dhinac kasta. Dhaqaaleyahanka aan siyaasi ahayn, waxa uu ka wakiil yahay adeegsiga dhabta ah ee aqoontiisa. Run kusheegidda cilmigiisa ayaa uu qof ku yahay. Mar haddii aanuu kala sooci karayn runta iyo beenta ama saxa iyo gefka ka jiri kara aqoonta dhaqaalah, isaga na loo ma baahna.

 Siyaasiga mar walba waa loo baahan yahay, marka laga bilaabo maamulka qoys; maxaa yeeley bulshadu waa qoysas isbahaystay nooc kasta oo ay yihiin. Aqoonta iyo dadnimada siyaasiga ayaa laga ma maarmaan ah. Haddii ay labadaasi ku yar yihiin, isaga na tayada agaasinkiisu waa ay gaasiran tahay, raganimo kasta ah lahaado ee.

Marka uu siyaasad iyo dhaqaale arrinku joogo, waxa  aan ka mid ah dadka caadig ah. Mid na ma maamulin. Waxa se aan ogahay, in hawlaheenna dadnimo ay u baahan yihiin mucadal (equilibrium) ama meel dhexdhexaad ah. Gaar ahaan marka ay siyaasadda tahay. Dhexdhexaadku waa marka ay isceshadaan waxtaridda iyo waxyeeleyntu ama xumaha iyo samuhu. Haddii ay kefedi u liicdo dhinaca waxtarka ama wanaagga, qaranku waa degan yahay. Muxaafidku waxa uu ku hawlan yahay fulinta ballamihii uu qaaday xilligii doorashada. Mucaaradka na dhibaato uu ka qayliyo ma qabo inta ay hawlahaasi si xilkasnimo ah u socdaan. Waxa ay dhabaatadu timaadaa marka uu mucadalku u dheeliyo dhinaca waxyeelada ama xumaha.

 Mucadal ogaanshuhu waxa uu u baahan xisaabin sax ah oo ku timaada diiwaangelinta hawlqaran oo kasta oo muhim ah: mid waxyeelo leh (taban) iyo mid waxtar leh (toggan). Haddii aanay diiwaangelin sax ah oo jootaysani jirin, maamulidda hawlaha qaran ma sugna, nooc kasta oo ay tahay. Hawlo iyo warbixinno la dhoobdhoobay oo aan diiwaanayn dhab ah ku salaysnayn, la ma hubin karo, la ma na sixi karo. Gef kasta oo dhaca waa in la saxaa marka la ogaado. Dawladihii musumaasuqa gef laga hawlyaraystay ayaa  kacaankii ka dhashay. Gefaf  kuwii hore ka sii xumaa oo loo badheedhay xilligii kacaaanka ayaa qaranimadeennii baaba′shay.

Maanta fursad weyn ayaa aynu haysanaa, Gef loo badheedhaa waa in aanuu jirin. Hanti qaran lexsigeeda ayaa ka mid ah. Gef laga hawlryaraystaa waa in aanuu jirin. Diiwaangelin la′aanta hawlaha qaran, sax iyo qalab ba,  ayaa ka mid ah. Sida qaladka saraha loo saxo, waa in gefafka maamul na loo saxaa.

Hawl wali ba haddii ay dhul fiiqid tahay iyo haddii ay dayaxtegid tahay ba, wax jiri karta mar ay si fiican oo lagu wada kalsoon yahay u socoto iyo mar ay si aan fiicnayn oo aan lagu wada kalsoonaan karin loo maamulayo. Labadaas dhinac ayaa iyagu na mucadal u baahan. Qof walba markaas waxa ku waajib ah in uu helo ama kaso goobta mucadalka. Haddii uu aqoonteeda lee yahay tilmaamo oo ka talabixiyo. Haddii aanuu lahayn aamuso inta uu kasayo  mucadalkaas ama uu helayo cid u daahfurta.  Haddii aanuu qof middaas kasin, waxa dhici karta in uu hal kareenkeed godlan iska gaagixiyo.

Mar walba dawlad kastaa ba lacag ama dhaqaale ay horumarka ku maamusho waa ay u baahan tahay. Sida ay ku heleyso waxa ay u martaas si sharciga waafaqsan. Cashuur kordhintu waa ka mid. Waa se talaabada ugu hawsha yar ee ay qaban karto. Waxa ay u baahan tahay sharci iyo abaabul xildhaanno koorumka uu sharcigu ogol yahay buuxiya.  Haddii uu mucadalka u dheeliyo dhinaca waxyeelada marka cashuurtu dhaqangasho, waxa imanaya laba khasaare:  Hawshii gashay cashuurkorinta (muruq, maal iyo waqti ba) iyo weli ba khasaare maal iyo kalsooni darro ku timaada dawladda oo nabadgelyada wax u dhinta. Haddii ay noqoto in cashuurta la kordhiyo, waxa laga ma maarmaan ah in aanay sababin hoosudhac dhaqaale oo kefedda waxyeelada culaysisa ama xoojisa.

Dawladdii kacaanka ba maamulxumo dhaqaale ama cashuuro kordhin ayaa ka mid ahaa arrimihii ku  keenay kalsoonidarrada. Gaar ahaan xilliyadiii uu wayrax wasiirka maaliyadda ahaa. Hawlaha dhaqaale waxa ay u badnayeen cashuur kordhin iyo suuqmadaw ka ganacsi. Sidaas marakiib dhawr ah oo qaranka u rarnayd ayaa lagu dhacay.

Kolkaas haddii aanaynu/aynaan aqoonsi haysan, baananka adduunku inoofurna grabla′aan. Waxa laga ma maarmaan ah kolkaas, in aynu isku tashanno. Iskutashiga dhabta ihi na waa ka dhaqaale sida ay ila tahay. Iskutashigaas dhaqaale waxa tiirar u ah isbiirsiga maal, murug iyo maskax, dadweyne iyo dawlad ba. Haddii aanuu qofku isku kalsoonayn wax ba ma qabsan karo. Qarannimadu na waa la mid. Ganacsatada iyo shaqaaluhu ba shilimaadkooda waa in ay baananka dalka ka jira ku urursadaan. Middaas waxa ay hay’adaha dawladda iyo kuwa dadweynaha ba u suuragelinaysaan maagelinta mashaariic horumarineed. Qarannimadeennu waa baylaha haddii dadkiisu aanay ku kalsoonayn. Tusaale ahaan, haddii hantida qaranku: mid dadweyne iyo mid dawladeed ba ay baanankeenna taallo iyaga ayaa maalgashan lahaa wadada Burco illaa Ceerigaabo xataa illaa Laasqoray.. Ama dawladda ayaa kaga qaybgeli lahayd Lacag ku meelgaadh ah (Government Bonds).

Iskaashiga waxa laf dhabar u ah maamul wanaagga. Maamulku haddii aanuu wanaagsayn na iskaashiga waxyeeladiisu waa ay labanlaabmaysaa dhawr jeer. Kolkaas na waxa laga ma maarmaan ah in la helo hawlwadeeenno xilkas ah, tababaran oo noloshoodu daryeelan tahay: mushar ku filan, daryeeel caafimaad iyo xuquuq hawlgab. Ama sida adduunka ka jirta, shaqaale lala xisaabtami karo oo aan sharciga iibsan.

Guuxa mucaaradka ka baxayaa waa laba midkood: in ay dhabta in dawladdu ay musumaasuq badatay oo   hanti qarani maqan tahay; iyo in xaalku yahay  yaanay ilkaysan. Sida ay garashada siyaasiyiinta Soomaalyeed u badan tahay. badidoodu waxa keli ah ee ay dareensan  yihiin waa baahidooda. Sida ay u daaboolayaan iyo jidka ay u marayaan ma hubaan. Haddii ay hubaan, dibuheshiinta Soomaaliya  ayaa suuroobi lahayd. Ama wada hadallada Soomaalilaand iyo Soomaaliya ayaa guul laga gaadhi lahaa.

Hantida  qaranka kol ba dawladda jirta ayaa sharci ahaan xaq u leh ka talinteeda. Haddii musuqmaasuq jiro, maxkamado ayaa furan. Habka dawladnimo ee saddexda dhardhaar ka kooban na,  maxkamaduhu waa ay ka madax bannaan yihiin xukuumadda. Kolkaas wadaninimadu waxa ay ku jirtaa in ciddii awood sharci u lihi ee caddaymo haysaa in ay kiisas ka furto maxkamadaha oo ay dacweeyaan dadka wax musuqmaasuqaya. Waa laga wanaagsan yahay in hawlwadeen ama siyaasi dedaalaya ceebo aanuu geyin lagu saydhiyo sabab la’aan. Dadnimada ayaa aysidaasilidku tahay.

Waxa se aan ka marag kacayaa in ay gegooyinka dayuuradaha ee Berbera iyo Hargeysi ba maanta ka tayo iyo mug ba roon yihiin laga bilaabo maamulkii Wasiir Cali Maxamed Warancadde illaa maamulkan Maxamuud  Xaashi Cabdi.  Ammaan darro weyn  oo ka jirtay gegooyinka dayuuradaha mid dad iyo degaan ba ayaa Wasiirkii hore ka fogeeyey goobahaas. Wasiirkan dambe tayada iyo taranta ba in weyn oo sharaf inoo kordhisay ayaa uu  ku biirshay. Waxa se jirta in dadka adeegyada gegooyinka faraha ku hayaa iyo kuwa u baahda adeegyada ba Soomaali u badan yihiin. Badi ba, habdhaqanka shaqaale iyo loo shaqeeye ba ee Soomaalida maanta, madax iyo minja ba,  waxa adeegsata mijin jaad ah.  Inta ay  mijintu xukumayso kaskeenna iyo waxqabadkeenna  hawlaha qaran iyo qof ba ma tayoobayaan.

Busho cusub abuuritaankeedu muddo dheer ayaa uu u baahan yahay. Marka ay madaxda wanaagsani dhagax dhigto ba, midda xumi dhagaxaas ayaa ay burburisaa. Kolkaas mucaarad iyo muxaafid ba waa in aynu hubinnaa in aanuu dhagax ku biira mooyee, mid burburin.

Comments are closed.