‘Israacii 1960-kii wuxuu ahaa dhalanteed sharci darro ah’ By Cali Yuusuf Axmed, guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada

0
4180

 

Malintii Somaliland heshay madaxbanaanida 26 June 1960, malintii ku xigtay ee 27 June, golihii xeerdajinta (Parliament)Somaliland waxay saxeexeen xeerkii israaca labada qaybood ? Union of Somaliland and Somalia law ?, oo noqonlahaa aasaaskii israac sharci iyo midnimo siyaasadeed, haddii dhinaca kale ee Somalia saxeexi lahaa. Hase ahaatee taaasi ma dhicin oo dhiggii Somalia ma saxeexin. Sidaa awgeed heshiiskaasi dhinac kaliya ayuu ahaa oo dhinaca kale ee Somalia waxa uu ka noqday wax aan jirin.

Sidoo kale xeer dajinta (Parliament) Somalia July 1 dii waxay saxeexeen ?document? kale oo af talyaani ku qoran oo la magac baxay ? Atto di unione? (Act of union) xeerkani israaca ee ay Somalia soo diyaarisayna, Somaliland ma saxeexin, sidaas ayuu isna dhaqangal ku noqonin.

Nasiib darro ayadoo aan heshiis la kala saxeexan ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda somaliyeed oo ka kooban labadii qaybood ee israacay.
Qaladkaa sharci oo la dareemay si la iskugu dayo in la saxo, golihii shacabka ee cusbaa ayaa sameeyay xeer ay ku mudoobayaan labadii dhinac ee israacay 31/1/1961. Waxayna yidhaahdeen waxa dhaqangalkiisu ka bilaabmayaa 1/7/1960 wakhti sannad iyo badh la soo dhaafay. Xeerkanina ma noqon karo mid sharci oo israaca xalaaleeya, mar haddii labadii dhinac ee israacay saxeexoodu ku oollin.

Mar kale ayaa la isku dayey in israacii sharci maqaarsaara loo sameeyo. June 1961 ayaa la yidhi distoorkii somaaliyeed ayaa afti loo qaadayaa, waxa ka mid ahaa qodobada distoorkaasi midowga labada dhinac ee israacay iyo in 5 somaliyeed la isu keeno.

Madaama dhinaca Somaliland laga soo hor jeeday midowga, markii la arkay in uuna israacaasi caddaalad ku dhisnayn, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii Somaliland aad ayey uga ololeeyeen in la qaadaco. Dad boqolkun (100,000) ka yar ayaa Somaliland ka codeeyey intii codaysay badankoodu maya(diidmo) ayey ku codeeyeen.
Dhinaca kale Somalia (koonfur), sanaaduuqdii codbixinta ayaa lagu shubtay. Waxa la iclaamiyey in 1,700,000 (Hal milyan iyo todoba boqol kun) ay Haa (ogol) u codeeyey. Tiradaasi waxay noqotay wax lala yaabo,waxayna ka badatay tiradii codka xaq u lahayd (eligible voters) afar jeer.

Haddii aynu tusaale soo qaadanno magaalada yar ee wanlaweyn, oo barigaa aheyd tuulo waxa la iclaamiyey in 99,000 (sagaal iyo sagaashan kun) ka codeeyeen oo ogol ah cod diidan iyo xumaaday toona jirin. Sida kor ka muuqata inta tuuladaa ka codaysay iyo inta Somaliland ka codaysay ayaa is la ekaatay, waana wax aqliga ka fog.

Shacabka reer somalialand ayagoo arrintaasi aad ula yaabay waxay dadka reer koonfureedka u bixiyeen Wanlaweyn, ilaa haddana waa loo yaqaannaa, ayadoo dadka badankiisu garanayn sida ay ku baxday.
Arrintaa ucodaynta distoorkuna ma noqon karto qiil sharci oo la daliishado, laba sababood awgood:-
1) Labadii dhinac lama qiimayn in mid waliba ogolyahay iyo in kale.
2) Codayntu si sharci waafaqsan uma dhicin.

Natiijadii ka soo baxday aftidii distoorkuna ma noqon mid sharciyeynaysaa israacii marka laga eego shuruucda adduunka (international law).

Ogolaanshaha dawladaha kale ee ah inay jirto Jamhuriyad Somaliyeed ayuunba noqotay wax lagu dhaqmo.Hase ahaatee dhinaca sharci haddii laga eego israacaasi waa dhalanteed.

Mar kale bishii March 1963 waxa caddaatay in israac sharciyeysan oo Somaliland iyo Somalia aanu jirin. Arrintaasi waxay timid markii saraakiishii Somaliland ee Xasan – Kayd madaxda u ahaa inqilaabkii dhicisoobay ka qayb galay lagu soo eedeeyey khayaamo qaran oo ay ka galeen Jamhuuriyadda Somaliyeed oo ka kooban labadii qaybood. Eedaysanayaashaa waxa la saaray maxkamadda sare oo muqdisho ku taallay. Guddoomiyihii maxkamadda oo aha nin Ingiriis ah, wuxuu xukumay in la siidaayo saraakiishaasi madaamo uuna jiro sharci midaynayaa Somaliland iyo Somalia (Act of union),dambiga la sheegayaana ka dhacay Somaliland.

Isku soo wada duuboo israacaasi waxa uu ahaa mid dhalanteed ah oo sharciga ka fog. Wuxuu la mid ahaa guur meher la’aan lagu wada joogay. Maqaalkan waxaa ugu talo galay dayarta iyo dadka aan taariikhdii israaca Somaliland iyo Somalia aan la socon inay xaqiiqda ogaadaan.”

Cali Yuusuf Axmed, guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada