Madaxweyne Siilaanyo oo wejiga labaad ee wada hadalka kulan ku horfadhiisan doona Madaxweyne Shariif

0
509

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, ka dib marka uu 21 June dalka Ingiriiska ku qabsoomo wejiga koowaad ee wada hadalkaas oo ay furi doonaan guddiyo ka kooban labada dhinac oo ka  kala tagi doona Hargeysa iyo Muqdisho, kuna kulmi doona magaalada London ee Ingiriiska.

Wada hadalkaas ayaa daba socda shirkii Ingiriiska ee bishii Febarwari, waxaanay xukuumadda Somaliland khamiistii doraad magacowday shan xubnood oo dhinaceeda u meteli doona furitaanka wada hadalada. Xubnahan ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, arrimaha bulshada iyo shaqaalaha Maxamuud Axmed Barre, madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye xigeenka Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe. Xubnahan ayaa la filayaa inay labada maalmood ee soo socda u ambo baxaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbi doonaan dalka Ingiriiska oo uu shirku ka furmi doono. Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa inkastoo aanu weli waxba ka beddelin ergadii uu hore ugu magacaabay wada hadallada oo ay Somaliland ka biyo diiddaya, haddana waxa la filayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan u magacaabo shan xubnood, si uu wada hadalku u bilaabmo.

Maxaa ka soo bixi kara?

Dad badan oo siyaasadda lafo-gura ayaa aaminsan inaanay natiijo ka soo bixi doonin wada hadalkaas, marka la eego ajandayaasha kala fog ee ay labada dawladood isla soo horfadhiisan doonaan. Tusaale ahaan dawladda Somaliland waxa ay shirkaas la tagi doontaa in qaranimada Somaliland iyo madaxbanaanideedu tahay mid muqadas ah oo ku timid go’aan shacab iyadoo ka duulaysa aftidii ay shacabka Somaliland sameeyeen sanandkii 2001 iyo weliba go’aankii ay beelaha Somaliland isla qaateen sannadkii 1991, halka ay dawladda Somaliya iyana la iman doonto qodobkeeda ugu horeeya oo ah inay midnimada Somaliya muqadas tahay. Waxase la filayaa beesha caalamka oo uu Ingiriisku wakiil uga yahay wada hadaladan in ay labadan qodob ka dhigto kuwa ugu dambeeya ee ay labada dawladood ka wada hadli doonaan, marka horena la isla falanqayn doono waxyaabaha la wada qabsan karo iyo dhinacyada la iska kaashan karo ee dhaqaalaha iyo nabadgelyada gobalka. Waxase aan meesha ka madhnaan doonin xod-xodasho iyo dedaalo diblomaasiyadeed oo uu dhinacba dhinaca kale ku waajihi doono.

Kulanka Xiga

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in marka uu wejiga koowaad ee shirku ku qabsoomo magaalada London, uu wejiga labaadna dhex mari doono labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu isu diyaarinayo kulankaas. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu kulankaasi ka dhici doono dal Carbeed oo la sheegay inuu yahay dalka Imaaraadka Carabt,, waxaana wada hadalkan abaabulaysa dawladda Ingiriiska oo uu xafiiskeeda Addis Ababa qaabilsanyahay dhinaca Somaliland.

Gunnaanad:

Wada hadalladan dhex mari doona Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ah kuwii ugu horreeyey tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax bannaanideeda, waxaana la filayaa in ajandayaasha labada dhinac ay noqdaan kuwo aad u kala fog, taasina ay sababto in wada hadalku muddo qaato.

Bulshada Somaliland ayaa si taxaddar leh u dhowraya midhaha ka soo bixi doona wada hadallada oo ay filanayaan inay u horseedi doonto qarannimo buuxda.