Wasiirka Gaashandhiga Oo Ka Hadlay Ciidamada Qaranka Oo Baacsaday Maleeshiyaadka Khaatumo

49
598

 

Hargaysa( Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ayaa shalay baacsaday maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Khaatumo oo ku sugnaa magaalada Tukaraq ee gobalka Sool oo hilaaddii 70km dhinaca Garowe ka xigta magaalada Lascanod.

Ciidamada qaranka ayaa subaxnimadii hore ee shalay la wareegay magaaladaas, ka dib markii ay maleeshiyaadku ka baxeen markii ay ka war heleen dhaqaaqa ciidamada qaranka. Maleeshiyaadka ayaa hore maamulka Puntland uga qabsaday magaalada Tukaraq. Laakiin ciidamada qaranka oo uu weheliyay badhasaabka Gobalka Sool, markii ay bulshada khudbado u jeediyeen waxa ay dib ugu laabteen saldhigyadoodii.  Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka warbaxiyay hawlgalkaas ciidanka qaranka, waxaanu beeniyay inay hawlgalkaas iska kaashadeen maamulka Puntland.  Waxa uu sidan ku sheegay wasiirku mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa kale oo uu wasiirku cadeeyay in ciidamaddu ay magaaladaas u galeen inay kooxdaas meesha ka saaraan. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay wasiirka gaashandhigu sidan “Waxaan jeclahay inaan in yar oo war ah idinka siiyo ruqaanigii ciidamdda qaranku ay hore ugu ruqaansadeen Tukaraq, halkaas oo ay ku sugnaayeen tikniko iyo rag kamid ah ciidankii nabad diidka ahaa, aagaas markii ay tageen ciidanku ama war ha laga helo dhaqdhaqaaqa ciidanka  ama si kaleba xog haw heleene ciidanka qaranku meeshaas ay  ku ruqaansadeen waa laga baxay oo meeshii waa laga tagay, wax dhimasho ah iyo wax dhaawac ah midna kama dhacin, ileen layskama hor imane, waxaana halkaas ka kordhay laba kamid ah gaadiidkii kooxdaas oo meeshii lagaga cararay ayay ciidanku la wareegeen, wax intaas ka badan oo ka dhacayna ilaa hadda ma jiraan.” Ayaa uu yidhi wasiirka gaashandhigu waxanu intaas ku daray“Ciidanka qaranku maadaama oo aan hadafka ay meesha u tageen aanu ahayn inay dhul cid kale dagantahay inay la wareegaan, ee ay u jeedadu arin ciidan uun ahayd waxay bilaabeen ciidanku inay ka soo baxaan maadaama oo ciidankii ay doonayeen uu meesha ka baxay, waxaanay dib ugu soo laabanayaan Laasacaanood iyo deegaankoodii.”

Ugu danbayntii waxa uu Cadami yidhi “Deegaankaas waxa dagen dadkii deganaa, lagamana masaxin, lagamana xaaqin iyagiibaa dagan oo jooga, waxaanan ku talo galaynaa marwalba shucuurta dadkaas iyo gacan siinta laga helaayo, cida markaas meesha dagaysaa waa inay noqotaa dadkaas meesha dagan dad ay gacansiinayaan.”

Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ugu danbayntii la waydiiyay in wax  is kaashi ah ay ruqaansigaas kala yeeshen ciidamadda Puntland oo ay isku dhacyo hubaysan baryahanba  deegaankaas ku dhex maraayay maleeshiyaadka Khaatumu waxa uu yidhi “Wax is kaashiya oo xalay dhex maray ciidanka Somaliland iyo ka Puntland dabadeedna ay mar wada qaadeen dagaalka waxba kama jiraan ayaan leeyahay.”

Comments are closed.