Xayawaanno Uu Aadamuhu U Adeegsado Colaadaha: Maska Iyo Cibaadooyinka Diiniga Ah Oo Dagaalka Loo Isticmaalo

0
812

Hargeysa (Geeska)- Sida ay taariikhyahannada qaar ku xuseen qoraalladooda, Giriiggii hore xilliyada dagaalka waxa ay hub ahaan u adeegsan jireen masaska oo ay sida bambooyinka ugu tuuri jireen dhulka uu cadowgu deggen yahay si ay argagax iyo cabsi ugu ridaan cadowgooda, ka hor inta aanay weerarka bilaabin.

Waxa ay ay taariikhyahannadu sheegeen in isticmaalka masaska ee Giriiggii hore aanu ku koobnayn keliya in ay ku cabsi geliyaan cadowgooda, balse sida oo kalana ay u isticmaali jireen in ay cibaado ahaan u isticmaali jireen, oo inta ay xididka waabayda ka saaraan ay dhaqan jireen, aadna loogu arki jiray goobaha ay ku cibaadaystaan.

Intii aanu dagaalku bilaabmin ayaa uu jalxadihii masasku ka buuxeen ku jebiyey meel aad ugu dhow dhufaysyadii cadowga. Waxa ay markiiba goobtii isu beddeshay fawdo iyo is dhex yaac uu askartii cadowga mid kastaa naftiisa la orday si uu masaska tirada badan uga badbaado, qaar badan oo ka mid ah askarta ayaa ay masasku la heleen micida oo degdeg u naf baxay. Masaskaasi waxa ay sabab u noqdeen in Hanibaal uu si dhib yar uga guulaysto cadow aad u awood badnaa iyada oo aanu dhinaciisa wax dhaawac iyo khasaare kale ahi soo gaadhin.

In kasta oo ay Giriiggii hore caan ku ahaayeen in ay masaska hub ka dhigtaan haddana sida taariikhdu ina barayso keli kuma ay ahayn isticmaalka hubkan nool. Waxaa la xasuusan yahay in imbaraadooriyaddii Qardaajiya oo dhulka ay ka talin jirtay uu ka mid ahaa Koonfurta dalka Isbayn iyo dalalka woqooyiga Afrika, sida dhulka ay hadda ka dhisan yihiin dalalka Liibiya, Tuuniisiya, Aljeeriya iyo Marooko. Boqortooyadan ayaa lahayd ciidamo u gaar ah isticmaalka masaska ee xilliyada colaadaha kuwaas oo watay gaadiid masaska lagu ururiyo oo lagu dhaqo inta la isticmaalayo. Tusaale ahaan Hanibaal Barsaa oo ahaa abaanduulihii ciidamada Qardaajiyiinta ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa isticmaalka masaska ee xilliga dagaalka. Mid ka mid ah dagaalladii uu hoggaamiyey oo dhacay 190 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS), ayaa ay taariikhdu sheegaysaa in uu Hanibaal uu jalxado waaweyn ka soo buuxiyey masaska nooca suntan khatarta ah leh, kadibna inta uu keenay furintii dagaalka.