Ciidanka Socdaalka Wajaale Oo Qabtay Beer Iyo Kelyo Sharci Darro Lagu Soo Gelinayay Somaliland

0
772

Hargeysa(Geeska)-Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee gobolka Gabiley  fadhigooduna yahay Wajaale ayaa toddobaadyadan la tacaalaayay hilib qalan oo talaagadaysan islamarkaana ah kootarabaan kana kooban b eer iyo kelyo oo sifo sharci darro ah dalka Somaliland lagu soo gelinayay.

Taliyaha laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha gobolka Gabilay gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan oo dhacdadan uga waramay Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxaanu usbuucanba la tacaalaynay shixnado beer iyo kalyo ah oo ku jira talaagado iyo karaatoon hilibkaasi oo ah mid ganacsi ahaan loo wado cadadkiisuna yahay ku dhawaad 1000 xabo beer ah iyo ilaa 3000 kun oo kalyo ah ahna mid ay xaaladiisa caafimaad iyo nadaafadeed liidato ayaanu maalmahanba kula tacaalaynay xuduudka wajaale kaasi oo inagaga imanaaya dhinaca itoobiya kagana soo gudba sifo sharcidaro ah oo kootarabaana lagana keeno sida ay dadka sitaa xuseen magalada dhagaxle ee Itoobiya.”

Taliyuhu waxaa uu sheegay in shixnadan beerka iyo kalyaha isugu jirta ee ay qabteen loo waday dhinaca caasimada Hargaysa oo la doonaayay in sifo kootarabaan ahaan ah loo galiyo “laakiin nasiib wanaag.” ayuu yidhi taliyuhu “Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha wajaale oo ay dadwaynaha Wajaale ka dhaxayso wada shaqayn joogta ahi ay nagu soo wargaliyeen alaabadan shakiga leh ee dalka la soo galinaayo anaguna aanu markiiba ka hawlgalay oo gacanta ku dhignay hilibkaasi aan munaasibka ahayn ee sifaha sharcidarada ah dalka lagu soo galinaayay  khatarna ku ah caafimaadka bulshada Somaliland maadaamaa aanu ahayn hilib la hubiyay caafimaad ahaan nadaafadiisuna ay aad u liidato sida ka muuqatay waana arin inagu cusub oo u baahan in si wada jira looga hortago kolay anagu ka ciidan ahaan waanu ku wargalinay guud ahaan meelihii ay khusaysay arintani sida maamulka degmada Wajaale iyo wasaaradaha ay khusaysaba sida wasarada caafimaadka xanaanada xoolaha ganacsigaba dhamaantoodba waanu la wadaagnay xogta hilibkaasi.

Waxa kale oo uu gaashaanle Cbdirashiid Axmed Xasan uu xusay in aanay jirin baahi ama sabab macquula oo kalifaysa in Somaliland la soo galiyo beer iyo kalyo talaagadaysan ama kartoomaysan oo aan nadaafadoodu wanaagsanayni yeelana karaan dhibaatooyin caafimaad daro  sidoo kalena waxaa uu uga digay ganacsatada huteelada cuntada ee Somaliland in ay ka fogaadaan kana feejignaadaan  waxyaabahaasi oo kale in ay dalka soo geliyaan.

Ugu dambayn  waxaa uu taliyuhu u mahadnaqay guud ahaan bulsho waynta reer wajaale  kuwaasi oo uu xusay in ay la shaqeeyaan xafiis ahaan iyo ciidan ahaanba oo wixii ay ka shakiyaanba ku soo wargaliyaan.