Xanjada Oo Muddo La Calaaliyaa Waa Ay Ka Khatar Badan Tahay Sida Aad Moodayso

0
10484

Tokyo (Geeska)- Calaalinta xanjada ama dhirta uu luubaanku ka mid yahay waa dhaqan dunida badankeeda aad ugu faafsan, waxa aana la aaminsan yahay in ay waxbadan ka tarto wanaajinta neefsiga, laakiin haddana dhakhaatiirtu waxa ay ka digeen in calaalinteeda aad loo badsado iyo in halkii xanjo muddo la calaaliyo.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in xanjada oo muddo dheer la calaaliyaa ay sababi karto dhibaatooyin caafimaad oo Meesha ka saaraya ujeedadii loo calaalinayey ee ahayd in neefsiga ay wanaajiso. Tusaale ahaan calaalinta xanjadu waxa ay kordhisaa dheecaannada calooshu soo deynayso, sidaa awgeed in la calaaliyo cuntada ka hor waxa ay dhaawaci kartaa caafimaadka caloosha, waxa aanay keentaa dhibaato gaadhsiisan illaa heer ay caloosha nabar ku samayn karto.

Waxaa intaas dheer in calaalinta xanjadu uu sababi karo calool xanuun, dibbiro, iyo naqas caloosha ku xidhma. Xanjada nooceeda aan sonkorta lahayna waxaa u dheer in ay dadka qaar ku keeni karto shuban.

Intaas oo keliya ma’aha, balse dhibaatooyinka kale ee ay suurtagal tahay in ay calaalinta xanjadu caafimaadka ku keento waxaa ka mid ah, in ilkuhu burburaan, in ay baro midab leh yeeshaan in dhaawac soo gaadho iyo guud ahaanba in ay khatar geliso caafimaadka ilkaha iyo cirridka.

Arrinta ugu khatarta badan ee ay khubaradu ogaadeen ayaa ah in calaalinta badan ee xanjadu ay dhaawaci karto xusuusta dhow. Warkan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarabiay ayaa intaas ku Daraya in calaalinta xanjada oo la joogteeyaa ay keeni karto in ay bararaan ama guntamaan muruqyada labada daan, mararka qaarkoodna ay dhici karto khatarta ah in muruqu uu sidaas u sii guntanaado xitaa marka uu qofku calaalinta xanjada joojiyo kaddib.

Si kastaba ha ahaato ee dhibaatadan ay xanjadu caafimaadka u geysanaysaa Meesha kama saarayso faa’iidooyinka ay xanjadu leedahay. Jaamacadda Waseda ee dalka Jabbaan ayaa daraasad ay hore ugu samaysay calaashiga xanjada waxa ay ku ogaatay in qofka oo marka uu soconaya xanjayo calaaliyaa ay ka caawiso in xawaaraha socodkiisu ka sarreeyo inta uu yahay marka aanu qofku xanjo calaalinayn. Waxa kale oo ay xanjadu caawisaa in qofku uu gubo Kalooriyo.

Cilmibaadhis uu qoray wargeyska The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa iyaduna muujisay in calaashiga xanjada ee marka la socdaa ay kor u qaaddo garaaca wadnaha, taas oo la aaminsan yahay in ay u fiican tahay dhimsita miisaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here