U Fiirso Isbeddelka Mucjisada U Eeg Ee Ay Lacagtu Ku Keentay Quruxda Iyo Nolosha Gabadhan Sawirkeedu Kuu Muuqdaan

29
3199

London (Geeska)- Haweenay Ingiriis ah oo tagsi ku shaqaysata ayaa lacag aad u badan ku bixisay in ay beddesho muuqaalkeedii hore oo aan farxad gelin, iyada oo raadinaysa qurux iintii hore ka badan. Laakiin goorta uu gabadhan hammigani galay waa markii ay si kedis ah ugu guulaysatay lacag bakhtiyaanasiib ah oo dhan 4 Milyan oo giniga dalka Ingiriiska ah.

Gabadhan 57 jirka ah oo lagu magacaabo Melissa Ed ayaa bishii laba iyo tobnaad ee 2016 kii ku guulaysatay lacagtan, taas oo markiiba maskaxdeeda ku abuurtay damac ah in ay u isticmaasho sidii ay u soo celin lahayd quruxdeedii dhalinyaronimo iyo labeentii dhabankeeda ee duruufaha ay soo martay iyo waqtiga badan ee ay soo jirtay la tageen iyo ilkaheeda burburay.

Haweenaydan oo ay nolol cusubi u bilaabantay ayaa lacag dhan 30 kun oo giniga ingiriiska ah (Waxa ay u dhigantaa 41’300 oo doolar) waxa ay ku bixisay daweyn ay kula dagaallamayso calaamadaha gabowga oo uu coodhcoodhku ka mid ahaa. Dhakhaatiirta qurxinta ayaa Melissa Ed u sameeye daweyn ay ka mid tahay giijinta maqaarka, adkaynta iyo buuxinta dhabannada, weynaynta dibnaha iyo in wejigeeda laga qaado lakabyada sare ee maqaarka, sunneyaasha oo kor loo qaaday, indhaha hareerahooda oo la buuxiyey lagana nadiifiyey madowga iyo dhammaan hababka qurxineed ee gabowg lagula dagaalami karo, oo u socotay muddo ku dhow 6 toddobaad.Ninka ay isku cindanyihiin Melissa Ed, oo lagu magacaabo Rachel Nason, ayaa isaga oo ka hadlaya hawshii caafimaad ee ay Melissa isku qurxinaysay waxa uu sheegay in natiijada ka soo baxday ay noqotay farqi aad u weyn oo u dhexeeya sida ay markii hore ahayd iyo hadda sida ay tahay, isaga oo hoosta ka xariiqay in wejigeedii gebi ahaanba is beddelay. Rachel oo kaftamaya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa u hadhay uun in ay gasho qalniin lagaga beddelayo madaxa oo dhan, si ay farxad halka ugu dambaysa uga gaadho”Melissa qurxintaas kaddib waxa ay hadda wadda u socda hawl ilkaheeda dib loogu wada hagaajinayo iyo in mar kale lagu noqdo sii qurxinta wejiga, waxa se xiise leh in marka la weydiiyo goorta ay ka soo jeedsanayso dadaalkeedan is qurxinta ay si dhab ah u sheegayso in aanay garanaynba goor ay iska daali doonto. “Waxa aan doonayaa waa in aan dib u nooleeyo quruxdaydii gabadhnimo, da’ intan aan ahay ka yarna la ii arko”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here