Buugga Xusuusqorka Michelle Obama Oo La Cayimay Waqtiga Uu Soo Baxayo Iyo 24 Af Oo Mar Keliya Lagu Wada Dabaacayo

35
3522

Washington (Geeska)- Mid ka mid ah buugaagta loogu sugitaanka badnaa sannadahan u dambeeyey oo ah buugga ‘Becoming’ ayaa oo bixi doona 13ka bisha kow iyo tobnaad ee sannadkan. Marwadii koowaad ee hore ee Maraykanka Michelle Obama ayaa farriin ay ku baahisay barteeda Twitter ka ku sheegtay in buuggan oo ah xusuusqorkeedu uu soo bixi doono hal toddobaad kaddib doorashooyinka ‘Xilli badhka’ loo yaqaanno ee Maraykanak ka dhacaya sannadkan 2018 ka. “Qoriddii ‘BECOMING’ waxa ay si qotadheer u ahayd waayoaragnimo qofeed,” ayaa ay Michelle Obama ku tidhi warmurtiyeed ay kaga hadashay buuggeeda. Iyada oo intaas ku dartay, “Waxa uu ii noqday fursaddii ugu horreysay ee aan u helo in aan si daacad ah uga dareen celiyo, jidkii sida lama filaanka ah ay noloshaydu u qaadday. Buuggan, waxa aan kaga hadlayaa isirkaygii iyo sida ay ku timid in gabadh yar oo ka soo jeedda deegaanka Southside ee magaalada Chicago, ay ugu suurtagashay in ay fursad hesho oo ay samaysato awood ay u adeegsan karto in ay dadka kale ku xoojiso. Waxa aan rajaynayaa in hayaankaas aan soo galay uu han ku abuuro akhristayaasha oo ay ka helaan ku dhiirrashada in ay noqdaan qofka ay doonayaan in ay noqdaan. Dirqi baan ku sugayaa in aan sheekadayda idinla wadaago.”

Marwo Michelle iyo odaygeeda, madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama, ayaa wadajir heshiis daabacista buugta xusuusqorkooda ah ula saxeexday shirkadda Penguin Random House. Heshiiskaas ayaa dhigaya in shirkadda soo saaraysa labada buug ay midkiiba ka bixin doonto lacag dhan 31 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Midhihii u horreeyey ee heshiiskaas ka soo baxaana waxa ay noqonayaan buugga ‘BECOMING’ oo ay daabacayso shirkadda Crown Publishing  oo ah waax ka mid ah shirkadda Penguin Random House oo loo xilsaaray daabacista buugaagta reer Obama.

Buugaagta xusuusqorka marwooyinka koowaad ee Maraykanka ayaa aalaaba si aad ah loo iibsadaa, iyada oo kuwa aad loo xasuustana ay ka mid yihiin xusuusqorkii Laura Bush ee ‘Spoken from the Heart’ iyo buuggii Hilarry Rodham Clinton ee ‘Living History’. Waxa aana la filayaa in buugga Michella Obama uu noqon doono munaasabad kulmisa ganacsi weyn iyo arrin dhaqan. Waayo, Michelle waxaa aad looga jecel yahay dunida oo dhan, horena mar keliya si faahfaahsan qisadeeda iyo taariikhdeeda ugama ay warramin. Buug hore oo ay qortay sannadkii 2012 ka waxa ay kaga hadashay beerashada.

Iyaa oo laga faa’iidaynayo sumcaddaas ay Michelle ku leedahay dunida oo dhan iyo in meelo badan oo adduunka ah laga jecel yahay, ayaa buuggeedan xusuusqworka waxaa isku mar lagu daabici doonaa 24 luuqadood oo marka Ingiriisiga laga tago ay ku jiraan afafka Carabiga iyo Iswidishku, waxa aana la filayaa in Michelle Obama ay munaasabado kala duwan ku qabato dalkeeda iyo meelo dunida ka mid ah si ay suuq ugu samayso buuggeeda. Waxa kale oo iyaduna xiise leh in buuggeedan oo qayb cod ah yeelan doona ay iyada lafteedu noqon doonto qofka akhriyaya ee codkiisa lagu dhegeysanayo, in kasta oo ay jiri doonaan koox gacanyareyaal ah oo caawin doonaa.

Michelle Obama intii ay marwada koowaad ahayd, Magaceeda marwada koowaad – Qofkii ugu horreeyey ee Maraykan-Afrikaan ah ee mansabkaas gaadha – waxa ay uga faa’iidaysay in waqtigeedii uu noqdo markii uu Guriga Cad ee Maraykanku ugu soo dhoweynta fiicnaa, taariikhdiisa oo dhanna uu ugu fiicnaa. Waxa ay sida oo kale muddadaas noqotay cod awood badan oo u hadla dumarka Maraykanka iyo dunida oo dhan” waxaa sidaas lagu yidhi warmurtiyeed buuggan ku aaddan oo ay shirkadda daabacaysaa soo saartay.

Michelle Obama waxa ay akhristaha hab farshaxan ah uga sheekaynaysaa waayoaragnimadeedii laga soo bilaabo carruurnimadii, shaqadii iyo hooyonimadii ay isku dhexwadday iyo intii ay guriga cad joogtay.

Barak Obama oo isaguna hore u qoray labada buug ee ‘Dreams from my Father’ iyo buugga ‘The Audacity of Hope’ oo midkiiba tirada laga iibsaday hal Milyan oo nuskhadood ka badan tahay, ayaan isagu weli waqti goynin soo bixista buuggiisa, oo uu isagu xoogga ku saaray siddeedii sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Sida ay sheegtay shirkadda buugaagtan daabacaysaa Obama iyo Michelle waxa ay go’aansadeen in lacagta buugaagtan hadda laga siisatay oo gaadhaysa 62 Milyan iyo wixii dambe ee mustaqbalka ka soo baxaba qaybteeda ugu badan ay ugu tabarucaan hay’ado samofal oo ay ka mdi tahay hay’adda Obama Foundation.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here