Tuule Dadkiisu Ay Dhammaantood Dhulka Hoostiisa Ku Nool Yihiin Iyo Sababta Ku Kalliftay

0
788

1Sydney (Geeska)- Coober Pedy oo ah magaalo yar oo ku taalla saxaraha dalka Ustareeliya, ayaa dhammaan dadkeedu ay ku noolyihiin dhulka hoostiisa, heerkulkeeda oo si xad dhaaf ah u sarreeya awgeed. Waxa ay leedahay godad dhulka hoostiiisa ah oo si aad u qurux badan loo xorday loogana dhigay guryo la mid ah ama mararka qaarkood ka qurux badan guryaha caadiga ah qaar badan oo ka mid ah, halkaas ayaana ay ku nool yihiin dad aan tiradoodu ka yarayn 1500 oo magaaladan yar ku nooli.

Shabakadda BBC laanteeda Afcarabiga ayaa ka soo xigatay Andy Shills oo ka mid ah deegaanka magaalada Cooper Andy, “Marka kuugu horreysa imaanshiyaha tuulahan, ma’ moodaysid meel ay nololi ka jirto, waayo boqolkiiba 95 magaaladu waxa ay ku taallaa dhulka hoostiisa, sidaa awgeed waaba suurtogal in aad hore u fahmi waydo sida ay wax u jiraan”

Magaca magaaladan ee Cooper Pedy waxaa asal ahaan laga keenay kelmadda Kupa-piti oo aynu ku macnayn karno Booraamaha (Godadka) wiilasha, shabakadda BBC qaybteeda Carabiga oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtayna ku macnaysay, ‘Nin Cad oo God ku jira’ magaaladan heerkulkeedu waa 50 Digrii, laakiin marka aad godadka hoose ku dhaadhacdo waa 21 Digrii oo keliya, sidaa awgeed dadka magaaladu uma baahna qaboojiyeyaal. Wariye ka socda BBC oo booqday magaaladan ayaa warbixintiisa ku sheegay in qiyaas ah kun guri ay dhulka hoostiisa ka samaysan yihiin, dadka ku noolna lagu qiyaaso illaa Kun iyo Shan boqol oo qof. “Waxa aad arkaysaa kaniisado, hudheello yaryar, guryo qurux badan oo leh qolal hurdo oo heer sare ah, iyo meherado iyo warshado shaqo ayaa dhammaantood dhulka hoostiisa ku yaalla” ayaa ay tidhi warbixintu.

2

Marka laga tago yaabka ay leedahay in magaalo dhami dhulka hoostiisa ka dhisnaato oo weliba guryo qurux badan iyo meherado waaweyn oo aan ka duwanayn kuwa dhulka guudkooda laga dhiso laga samaysto, waxaa iyaduna xiise gaar ah leh sida ay dadka tuulahanii ugu fikireen ku noolaanshiyaha cimiladan kulul oo in kasta oo qarashka guriga dhulka hoostiisu ka badan yahay kan dhulka dushiisa, dhismihiisuna ka hawl badan yahay, maadaama oo uu u baahan yahay farshaxan iyo dad si gaar ah ugu xeeldheer qodista iyo xorodka, weliba hawshu sii adkaatay intii dambe oo ay dawladda Ustareeliya mamnuucday in dhulka qarax lagu sameeyo marka la qodayo, haddana waxaa muuqata in uu yahay hab ay kharash mar keliya ah bixiyeen si ay uga nastaan kharashka joogtada ah ee isku qaboojinta aaladaha aadamuhu sanceeyey.

3

Magaalada Cooper Pedy waxa ay caan ku tahay dhagaxa macdanta ah ee Oobaalka (Opal), waxaana lagu naanaysaa caasimadda Obaalka, maadaama oo dhagaxan noociisa ugu tayada iyo qurux badan laga helo.