Dhacdo I Murugo Gelisay !!!! WQ: Kamaal Xassan Isaaq

0
625

Salaadii casar ka dib ayaanu Hargeisa uga   ambaxnay   dhinaca waqooyi   annagoo  u soconay safar shaqo , waxaanu sii soconaba markay Sacadu waxay ahayd   abaaro 5 galabnimo ,oo aanu  qiyaastii dhaafnay ilaa 5 kiloo mitir Magaalda la yidhaahdo  Caada oo   magalada Hargeisa  kaaga beegan  waqooyi qiyaas ahaana   u jirta 60 kiloo mitir,    Waxaa wadadii  hortayda noo gacan  iyo  go’ba    haadiyey saddex ruux oo kale ah  laba nin iyo haweenay  waayeel ah ,waxay ku dadaalayeen  in uu gaadhigo joogsado , runtii waan dareemay , dirwalkii gaadhigana waxaan ka codsaday , waanu joojiyey gaadhigii , sida wada jir ah ayuunu ugu nidhi  annagoo yaaban “maxaa idin helay?, waxay noo sheegeen in  ilma  yar oo  xanuunsanaya sidaaan doonayeeen inay geeyaan  caada laakiin kama helayno adeega caafiaad ee ay u baahan tahay tayari , sidaa darteed markaanu gaadhigiina aragnay ayaanu damacnay in aad noo gaadhsii saan  xarunta Caafimaadka  ee magalada Cali Xaydh,  Waanu qaadanay islaantii  ilmaha yar sidatay intaanu is cidhidhsanay  , laakiin nimankii  in aanu qaado nooma suurto  gelin  gaadhigoo allaab iyo dad kaleba saarnaayeen awgeed.

1

Ka dib markii aanu waydiinay xalada caafimaad daro ee ilmaha la soo daristay mudada uu bukay iyo da’adiisaba waxay noo sheegtay inuu laba cisho xanuunsanayey,  oo uu waliba shubmayey hadana  uu naqasku hayo sidii oofeed.

Hooyadan oo murugo iyo walbahaar  ka muuqaday wajigeeda ayaa  sidoo kale noo sheegtay in ay eyey u tahay ilmaha yar nimankii la socday mid ka mid ahi dhalay tahayna ilmihiisi curad  jirtayna hal sano  , laba maalmoodna ay shubmaysay waydayna wax dawo oo ay siiso , iyo waliba gaadhi ay ku qaado.

Waxaanu waydiinay deegaankoodani inuu leeyahay gaadiidkii gargaarka deg –dega ah iyo in kale 

Waxay nagu tidhi ma laha , iyadoo noo raacisay dhacdadan kooban  “  bari dhawayd waxaa iga sidan oo kale iga xanuunsaday  wiil  aan dhalay oo  14 jir  ahaa  dadaal badan ka dib waxaan  geeyey magalada gabiley si aan soo daweeyo   , laakiin wuxu  dhintay isla markii la dhigay cusbitaalkii , dadkii meesha joognay  baana ii gurmaday oo iga aasay  , markay intaa tidhina indhaheeda ilmaa ka soo burqatay,

Anigoo niyada u dhisayaa  dhibaatada haysata hooyaadan ayaan si degan ugu idhi   hooyo insha allah waxba noqo mayso inanta yari , way iska caafimaadi doontaa ee niyada khayr u sheeg.

Markay xaaladeedii caadi ku soo noqatay Ayaan mar kale waydiiyey  waxyaabaha  ay  kala socoto xuquuqda aasasiga ee  qof muwaadinka  ahi  leeyahay?

Waxaanay hadalkii noogu soo koobtay “ hooyo lax dhukani col iyo abaar midna ma oga , annaguna waxaanu naha dad reer miyi ahoo sidaas oo kale ayaanu nahay.

Maadama oo aynu ku jirnay xili ramadaaan waxaanu ku xisaabtamaynay in aanu afurka ka gaadhno magaalada Cali-Xaydh  , nasiib wanaag waanu  gaadhnay Cali xaydh iyadoo ay afurkii ka dhiman tahay 5 daqiiqo , waxaanu judhiba geynay  ilmihii yaraa iyo hooyadiiba xarun  caafimaad oo meesha ku taala , in kasta oo aanay joogiin xiligaa cidii waashmaanki xaruunta  ilaalinayey mooyaan , waxaanu noo sheegay in  shaqaalihii soo afurayaa oo bacda makhribka imanayaa,

Hooyadii ilmaha yar sidatayna  waxay naga codsatay in ay ku degto xaruntii , waanay naga degtay,  dhinic  magaalda ayaanu soo galay waxaanu ku war gelinay dadkii meesha aanu kula kulan  in ilma yar  oo aad  xanuunsanayaa aanu sidnay  xanaanadana soo dhignay, waxaanu ka codsanay in shaqaalihii caafimaadku hore ha ugu tagaaan,  in hooyadana afur loo geeyo

 Afurkii ka dib ayey shaqaalihii caafimadku u tageen , markii ay damceen ilmaha xaaladiisii inay eegaana, waxay ogaadeen in ilmuhu mayd yahay oo dhintayba ! ,

Hadaba waxay waydiintu tahay  yaa ka musuula ummadda ku dayacan  ?

WQ: Kamaal Xassan Isaaq

Muwaadin dadkiisa iyo dalkiisaba jecel 

Tell:  063-4402758  ama kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland