Trump Oo La Sheegay In Uu Ka Mid Yahay Dadka Ugu Beenta Badan, Iyo Sababta Aanay Dadka Aad U Taageeraa Dan Uga Gelin Beenihiisa Xad Ka Baxa Ah

28
3135

Washington (Geeska)- Bella Depaulo oo ku xeeldheer cilmiga bulshada ayaa sheegtay in aanay hore u arag ruux beenta kala mid ah madaxweynaha hadda ee Maraykanka Donald Trump. Waxa ay sheegtay in ay muddo labaatan sano ah daraasaynaysay xaaladaha beenaalayaasha; beenaha ay sheegaan iyo sababaha ku kallifi, sidaa awgeed ay moodaysay in ay dhammaysay fahamka dhammaan arrimaha beenta la xidhiidha. Laakiin waxaa la yaab ku noqotay in ay weli dad u dhiman yihiin. Kaddib markii ay ka amakaagtay been sheegidda madaxweynaha Maraykanka oo ay ku tilmaamtay in uu yahay kii beenaalayaasha oo dhan ugu been badnaa.

Maqaal lagu faafiyey wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ay haweenaydan cilmibaadhaha ahi ku sheegtay in ay ogaatay in beenaha Trump ay yihiin kuwo soo noqnoqda, oo weliba ka fool xun beenaha ay dadka caadiga ahi sheegaan, weliba qaarkoodna ay yihiin ujeeddo badan, hal mar dano kala duwan uu uga faa’iidaysanayo.

Bella Depaulo waxa ay sheegtay in wargeyska Washington Post  uu tooshka ku shiday beenaha uu Trump sheegay tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay, taas oo ay iyaduna (Bella Depaulo) been kasta oo uu wargeysku soo gudbiyo ay ku samayso daraasad ay ku barbardhigayso natiijooyinka daraasadaheedii hore ee ay beenta iyo sababta kallifta ku baadhay. Waxa aana u soo baxay, in tusaale ahaan, “Ardayga jaamacadda dhigtaa uu maalintii keliya celcelis ahaan laba jeer been sheego, halka dadka caadiga ah ee bulshada maxalliga ahi, uu qofku maalintii celcelis ahaan been keliya sheego. Laakiin Donald Trump 298 kii maalmood ee ugu horreeyey xukunkiisa, waxa uu sheegay 1’628 hadal oo been ah, ama beeni ku dhex jirto, taas oo marka maalin ahaan lagu soo celceliyo u dhiganta in uu maalin kasta sheego lix hadal oo been ah. weliba dabagalka dheeraadka ah ee lagu sii sameeyey ayaa lagu ogaaday in beenta Trump ay sii korodhay markii dambe, oo ay gaadhay heer ay maalin kasta sagaal beenood noqoto, taas ayaana ka dhigaysa in daraasaddani u aqoonsatay in uu yahay beenaalaha, beenaalayaasha ugu weyn ee illaa hadda si cilmi ah loo ogyahay. Weliba ay boqolkiiba 24 ka mid ah beenihiisu yihiin kuwo uu mid kastaa kelideed ujeeddooyin badan ka leeyahay.

Ujeeddada beenihiisa

Bella Depaulo waxa ay sheegtay in daraasaddan ay ku ogaatay in saddex meelood laba ama boqolkiiba 65 beenaha uu sheego Trump ay yihiin kuwo uu ka leeyahay ujeedooyin shakhsi ah oo naftiisa ugu danaynayo (Faan), waxaa ka mid ah beentii uu sheegay mar uu dhowaan ka hadlayey cashuur dhimis ay xukuumaddiisu samaysay, oo uu ku sheegay in ay tahay cashuur dhimistii ugu weynayd taariikhda Maraykanka, laakiin been ahayd.

Beenaha kale ee waaweyn ee uu Trump sheegaa, waa marka uu dadka booqda si gaar ah uga sheekaynayo hawlaha uu wado iyo xidhiidhadiisa dibadda, tusaale ahaan mar uu dhowaan dad uu la kulmay uga sheekaynayey booqashadii uu ku tegey Fiyaatnaam, waxa uu sheegay in dadku iyaga oo tobannaan kun ah ay shaaracyada isa safeen si ay u salaamaan, iyada oo la ogyahay in warbaahinta la socotay aanay arag soo dhoweyntaas uu sheegayo. Bella Depaulo waxa ay sheegtay in beenaha Trump ee ugu badani ay yihiin kuwa uu u sheego dadka uu sida gaarka ah ula kulma, sidaa awgeed aanay warbaahintu ogaan karin kuwaas, haddii la ogaan lahaana ay beenihiisu intan imika laga yaabban ka sii badan lahaayeen.

Sababta aanay taageerayaashiisu dan uga gelin

Qoraaga Daniel Ephron ayaa maqaal uu faafiyey wargeyska Washington Post waxa uu ku sheegay in madaxweyne Trump afartii boqol ee maalmood ee xukunkiisa ugu horreeyey, uu sheegay in ka badan 2 kun iyo 4 boqol oo beeno ama hadallo marin habaabina ah, laakiin haddana waxaa yaab leh in sahamin uu sameeyey maxadka rayi ururinta ee Globe ay muujiyeen in Trump shacbiyadda uu xisbigiisa ku dhex leeyahay ay gaadhsiisan tahay boqolkiiba 82.

Ephron oo ah kaaliye Bare jaamacadeed oo ka tirsan kuliyadda London Business School ee dalka Ingiriiska, ayaa is weydiinaya sida ay ku dhacday in labadaa xaqiiqo ay isu yimaaddaan. Waa beenta iyo haddana taageerada ee. Markii loo kuurgalayna waxaa la ogaaday in dadka taageera qaarkood beentiisa sideeda u rumaystaan, halka inta soo hadhayna ay isaga dulqaataan, iyaga oo iska dhaadhicinaya in ay tahay uun hadallo dhacdhac ah oo ku imanaya hadal badnaantiisa ay jecel yihiin.

Waxa se ay sababta ugu weyni tahay gacanyareyaasha Trump oo si xariifnimo ah u adeegsada istaraatiijiyad cilminafsi ku dhisan oo ay si xeeldheer ugu difaacayaan beenaha Trump, taas ayaa dad badan ku abuurta shaki, kaddib marka ay beenin kari waayaan beenta Trump.

Xeeladaha cilmiga ah ee ay gacanyareyaashani dadka kaga indhasaabaan beenaha Trump, waxa tusaale aynu ugu soo qaadan karnaa, markii uu Trump bartiisa Twitter ka ku faafiyey ‘Fiiyow qof soogalayti muslim ah uu ku sheegay, oo uu ku hoos qoray in uu khatar yahay’. Waxaa soo baxday in fiidyowga uu madaxweynuhu soo bandhigay uu yahay mid been-abuur ah, dad badan ayaana aad uga xumaaday in madaxweynahoodu uu isticmaalo fiidyow been abuur ah. Laakiin markiiba xoghayaha warbaahinta ee Aqalka Cad oo ah gabadha lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in muhiimaddu aanay ahayn muuqaalka fiidyowgu run ma yahay mise maaha, balse ay tahay waxa uu xambaarsan yahay, “Haddii fiidyowgu run yahay iyo haddii aanu ahaynba, Khatarta ayaa ah xaqiiqo” ayaa ay tidhi, waxa aanu warkaasi qaboojiyey taageerayaasha Trump oo marka horeba la aaminsan in soogalaytigu khatar yahay, laakiin ku mashquulay fiidyowga beenta ah ee uu isticmaalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here