Haddii Aanad Hore Toonta U Cuni Jirin Imika Dhaqso U Bilow, Si Aad Uga Faa’iidaysato Waxtarkeeda Caafimaad

54
3572

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Ingiriiska, natiijadeedana lagu faafiyey Joornaalka Trend In Pharmacological Science ayaa lagu sheegay in cunsita toontu ay yarayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan noocyada cudurka kansarka, xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga, iyo xanuunka macaanka noociisa labaad.

Toonta waxaa ku jira maaddooyin iyo iskudhisyo kiimaad oo kala duwan oo dhammaantood waxtar ballaadhan u leh caafimaadka dhammaan qaybaha kala duwan ee jidhka.

Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah mariidka oo ay jidhka ka saarto, dhiigga oo ay dejiso, unugyada jidhka oo ay si weyn uga caawiso fududaynta xidhiidhkooda wada shaqayneed, iyo in ay ilaaliso isu dheellitirnaanta jidhka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here