Su’aalo Ay Tahay In Aynu Nafteenna Weydiinno Ka Hor Inta Aanu Dhammaan Sannadka 2017 (Q.2aad)

41
3231

– Waqti intee le’eg ayaa aad la qaadatay dad ku jecel?  Waxa la ogaaday in waxyaabaha ugu murugada badan ee qofka soo maraa ay tahay in uu isku canaanto in qof jecel ama uu jecel yahay aanu siinin waqtigii ku habboonaa in uu la qaato. Noloshu waxa ay ku socotaa xawaare aad u dheeraynaya, taas ayaana sabab u ah in mar kasta uu qofku u darbanaado baacsashada shaqada iyo arrimaha uu noloshiisa ka dabbarayo, waxa ay sababtay in qofku uu illaawo muhiimadda ay leeyihiin dadka muhiimka ah ee noloshiisa ku jira. Tusaale ahaan waqti intee le’eg ayaa aad la qaadataa waalidkaa oo dabcan jecel in aad waqti isu heshaan? Waqti ma siisaa xaaskaaga iyo ubadkaaga? Asxaabtaada aad jeceshay waqti ma la qaadataa? Haddii jawaabtu ay ‘Maya’ tahay waxaa hubaal ah in haddii dadkan qaar ka mid ahi kaa hor dhintaan ama waqti idin kala durkiyo oo aad is arki kari weydana in aad qoomamayn doonto maalmihii badnaa ee uu kaa agdhowaa ee aad waqtiga siin weyday.

Haddii xaaladdaas oo kale sannadkii hore ku soo martay ka fikir in aad sannadkan wax ka beddesho oo aad jadwalkaaga meel kaga darto waqti aad dadkaas la qaadato.

– Wax Akhris: Buugaagta aad sannadkan 2017 akhriday ee noloshaada saamaynta ku yeeshay waa kuwee? Wax akhrisku waa furaha koowaad ee guusha wax kasta oo aynu doonayno. Wax akhrisku waxa uu ka mid yahay hawlaha ay waajib tahay in aynu nolol maalmeedkeenna waqti uga samayno. Muhiimaddu ma’aha tirada buugaagta aad akhriday, oo mararka qaarkood si kasta oo ay u badan yihiin, aan macno badan soo kordhin, waxa se muhiim ah in buugaagta aad akhriyeysaa ay noqdaan kuwo noloshaada saamayn ku leh, kaana caawin kara in aad hesho talo iyo fikir aad kaga gudbi karto caqabadaha kala duwan.

Haddii sannadkii hore kaaga dhammaaday adiga oo aan hal buugba akhriyin, maxaa diidaya in aanad ceebtaas mar kale ku noqon oo imika sii diyaariso tirada iyo nooca buugaagta ay tahay in aad sannadka 2018 akhrido.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here