Baashoow, Waa Laguu Khaldamay Ee Umadda Ka Xishood

35
3617

Liibaan Maaweel Shire

“Quruumahakan Wada Giigsan Baa Baalka Kaa Guri,Adigaaba Lagu Gaadayaa Waadan Garanayne Gaagaabso Oo Aamus Yaan Gaadh Lagaa Qabane”…waa Tuduc Ka Mid Ah Gabaygii Abwaan Ismail Mire Rabi Ha u Naxariistee Ee Gabaygiisii Gud-Gude.

Waxa nasiibdaro ah oo qarankan ceeb ku ah in kooxdii mudada todobada sano ka badnayd burada xaraanta ah ku ahayd umadan, kuwaas oo uu u IL duufay m/weynihii hore Axmed Siilaanyo.

Waxa kale oh ayaan-daro ah in kooxdan qawleysatada ah inay ku shiraan hoy Ka mida goob ku suntan ama ku naanaysan m/weynihii hore Axmed Siilaanyo

Iyadoo intaasi ba ay jiraan waxaa dhacday arin Fool xun oo qudha, qoys iyo qaranba ceeb ku ah, taasoo aanu u aragno mid aanu ku kaceen inuun qof damiir leh.

Hadaba maxay tahay arintaasi? Will Yar Oo aan da’diisu gaadhin afartan jir oo markii horena ay umadu ka xishootay in badan isla markaana laagu ixtiraamay magaca labadiisa aabe haduu yahay ka dhalay cawil x-Cumar iyo haduu yahay ka inanta siiyey Axmed Siilaanyo waa baashe,e

Baashe Cawil inaadeer waa laguu khaldamay oo Ambasator lagaa dhigay, waa lagaa xishooday oo weliba waxa si weyn kaaga xishooday seediyadaa kulmiye Axmed Siilaanyo, calinasir Axmed Siilaanyo iyo baashir Axmed Siilaanyo, kuwaasoo aminta intaa le’eg ee aabahood m/weynaha dalkan ka ahaa aan saaxada siyaasada iyo dalkatoona aan lagu Arag.

Baashe waxa ceeb ku ah m/weynihii hore ee umadan Axmed Siilaanyo inuu wado sidii u dhulka u sii jiidjiidid lahaa marka uu ku marti-qaadayo hotelka magac xaafada uu ka midka ahaa watay xubno wasiiradii xukuumadii sodogii ee weliba uu leeyahay “Anigoo ku hadlaya magaca m/weynihii hore Axmed Siilaanyo waxaanu idiinka mahad-naqaynaa mudadii aad nala soo shaqaysen, iyo xisbigii kulmiye ee aad dhiiga u shubteen”

Erayadaasi waxay uu muuqdaan kuwoo xilkasnimo ah oo aan looga fadhiyin Mr Baashe. Xubnahaa Wasiirada ahaan jirey ee Baashe uu gudoominayey waxay ahayd inay ixtiraamaan dardaarankii madaxweynihii cugtay iyaga ee Axmed Siilaanyo,Sidoo kale waxay ahayd inay qadariyaan M/weynihii xisbigiisii u soo xushay M/weynahan cusub ee Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hase yeeshee intaasiba may dhicin sidaa awgeed waxa M/Wayne Muuse Biixi umadu uga fadhidaa inuu dabagalo hantidii shacbiga ee ay lunsadeen kooxdaasi tunku ku weynaaday hantidii qarankan ee ay awoodii dawladnimo ku boobeen.

Ugu dambeyn waxaan hadalkayga ku soo xidhayaa horaa soomaali u tidhi inanka inantaadu kuu keento waa ayaankaa, Ninka inantiinu idiin keentana waa nasiibkaa.

M/weyne waxaad ku fadhigaa kala badh iyo dheeraad ama 56% cidkii shacabka Somaliland sidaa awgeed waxaanu dhawrnaaba waa talaabada aad ka qaado tuugtaa jaaniska heshay.

W/Q

Liban Mawel Shire.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here