Soonku Waxa Uu Ka Hortagaa Beer-Dufanowga Iyo Macaanka

0
762

Berlin (Geeska)- Xeeldheerayaal u dhashay dalka Jarmalka oo kaashanaya xarunta qaranka ee macaanka iyo xarunta cilmibaadhisaha Kansarka ee dalkaas ayaa ogaaday in soonku uu dhiirrigeliyo in jidhku soo saaro Barootiinka GADD45β.

Cilmibaadhistani waxa ay muujisay in barootiinkan oo ka masuul ah nuugista uu beerku nuugayo asiidhada dufanka ah, haddii uu meesha ka baxo ama yaraado ay keenayso in xaydh iyo dufan badani ku ururo beerka. Taasina ay sababto macaanka dhiigga iyo beer xanuun.