Soonka Iyo Sixada (2): Saamaynta Caafimaad Ee Cuntada Shiilan, Biyaha, Bunka, Hilibka Iyo Jimicsiga

28
3952

 

Hargeysa (Geeska)- Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli xagaa oo lagu jiro bilaha ugu kulul sannadka, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha maalintii. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin qofka soomaya ka caawinaya in uu soonka xilliga xagaaga u yeesho adkaysi:

  1. Cuntooyinka shiilan: Ramadaan waxa ay caan ku tahay in la cuno cuntooyinka shiilan, gaar ahaan saambuusaha oo ugu badan iyo cuntooyin kale oo quraacu ka mid yahay. Waxaa la ogyahay in cuntooyinka shiilan uu ku jiro xaddiga ugu badan ee ‘Kalooriyo’ iyo dufan ah, sidaa awgeed waxa ay kor u qaadaan heerka kalastaroolka dhiigga ku jira.

Waxa kale oo ay hore dhakhaatiirtu u sheegeen in dheefshiidka oo maanta oo dhan aan shaqo qaban, aanay u fiicnayn in waxa ugu horreeya ee uu ka shaqeeyaa uu noqdo dufan. Yarayso saambuusaha, kuna dadaal cuntooyinka dufanku ku yar yahay, xusuusnow in cuntada duban ay ka fiican tahay cuntada shiilan.

  1. Cabbitaanka: Bisha soon waxa ay caan ku tahay in la isticmaalo cabbitaanno badan, oo isugu jira kuwo warshadaysan iyo kuwo khudrad dabiiciya oo la miiray ah. Khudraddu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka caafimaadka u fiican, laakiin macnaheedu ma’aha in khudradda oo dhami aanay miisaanka kordhin. Waxaa qofka sooman u fiican in aanu si guud ahaaneedba u badsan sharaabka noocyadiisa, balse uu ku dadaalo in uu cabbo biyo aad uga badan kuwa uu cabbi jiray, soonka ka hor.
  2. Bunka: Bunku waxa uu ka mid yahay cabbitaannada ay ku jirto maadadda Caffeine oo in kasta oo ay faa’iidooyin leedahay, haddana aan u fiicnayn caafimaadka guud, gaar ahaan dadka leh xanuunnada wadnaha iyo kelyaha.

Waxa kale oo ay maadadda Caffeine keentaa kaadi badan, sidaa awgeed maadaama oo kaadidaas ay badisaa ay jidhka biyo ka saarayso, waxa ay keeni kartaa ingag jidhka ku dhaca iyo harraad badan oo qofku maalintii dareemo.

Inta ramadaanka iska daa cabbista bunka, haddii ay ka fursan weydana afurka ha raacin ee u dhexeysii ugu yaraan saacad ama laba saac, hana ka badsan hal koob.

  1. Macmacaanka: Si aad uga fogaato in miisaankaagu uu kordho bisha soonka, waxa aad ku dadaashaa in aad iska ilaaliso macmacaanka iyo sonkorta. Haddii ay khasab noqoto in aad inyar ka cunto bisha soonka ku dadaal in aad maalintii hal nooc oo keliya oo macmacaankaas ah cunto. (Iska jir in aad noocyo kala duwan oo macmacaan ah hal maalin wada cunto).
  2. Jimicsiga: Haddii aad tahay ciyaartoy ciyaaraha ciyaaraha fudud ama dhexdhexaadka ah, waa aad sii wadan kartaa xilliga soonka, sida oo kale haddii aad jimicsi jidheed samayn jirtay waa aad sii wadi kartaa inta bisha soon lagu jiro, waxa se fiican in aad ku xisaabtanto waqtiga ugu fiican in aad jimicsigaas ama ciyaartaas samayso.

Waxa ay khubaradu sheegeen in saacado yar afurka ka hor (Gelin dambe ee maalinta) ay tahay waqtiga ugu habboon jimicsiga iyo ciyaaruhu. Maadaama oo uu dhidid badani kaa baxayo ku dadaal in aad afurka kaddib biyo badan cabto. Waxa kale oo laguugula talinayaa in aad cuntada si yar u cunto, si aad u soo buuxiso kaalinta dareerihii iyo maaddooyinkii kale ee jidhka kaga baxay jimicsigii.

  1. Xilliyada cunto: Dadka qaar ayaa diida in xilliga la cuno saddex xilli oo ah habka cunto qaadasho ee maalmaha aan soonka ahayn. Laakiin waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in ay sax tahay in qofku saddex xilli wax cuno; waa afurka oo marka salaadda maqrib la soo tukado cunto fiican la cuni karo, hurdada ka hor oo ay fiican tahay in cunto aad u fudud la cuno, iyo suxuurta oo cunto miisaan leh ah.
  2. Caanaha: Caanuhu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka u fiican caafimaadka, waxa aana ku jira maaddooyin iyo macdano jidhku baahi badan u qabo, gaar ahaan qofka da’diisu 40 iyo ka weyn tahay. Haddaba xilliga soonka waxa aad cabbi kartaa caano ah kuwa uu dufanku ku yar yahay, waxa kale oo aad cuni kartaa cuntooyinka caanaha laga soo dheegto ee aan dufanka badan lahayn.
  3. Cuntooyinka leh Kaarbohaydarayt ka: In kasta oo ay ka mid yihiin cuntooyinka miisaanka kordhiya, haddana xilliga soonka ha joojin cuntooyinka leh Kaarboohaydarayt ka, sida bariiska, baradhada iwm. Cuntooyinkani waxa ay caan ku yihiin in jidhku uu si aad tartiib u ah u nuugo macndaha ku jira, una dhammaystiro dheefshiidkooda, arrintaasi waxa ay u fiican tahay heerka Guluukoosta dhiigga ku jira oo ay caawiso muddo ugu yaraan 4 illaa 5 saacadood ah. Waxa aanay kordhinaysaa awooddaada adkaysi ee soonka.
  4. Hilibka: Hilibka, khudradda cagaaran, beedka iyo cuntooyinka caanaha laga soo dheegtaa waxa ay hodan ku yihiin barootiinno kala duwan. Ku dadaal in cuntadaada bisha soonka ay ku jiraan cuntooyinkaas aynu soo xusnay.

Xasuusnoow in cuntooyinkani ay leeyihiin calool gashiimo uu qofku muddo dhereg dareemo, sidaa awgeed uu qofku kaga maarmi karo in uu cunto badan cuno, iskaga ilaalin karo gaajada maalintii ee xilliga soonka, isla markaana kaga fogaan karo cuntooyinka macmacaanka ah.

  1. Dhibta ka iman karta isbeddelka xilliga cuntada: Si guud ahaaneedba mar kasta oo uu qofku ka guuro waqtiyada cunto qaadasho ee uu la qabsaday waxa uu dareemaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan. Soonku waxa uu keenayaa in ay isbeddelaan xilliyadii soonku, sidaa awgeed cilladaha lagu arko bisha soon waxaa ka mid ah calool istaag badan. Si aad calool istaaggaas uga dheeraato cuntada aad cunayso ku dar cuntooyinka ganka leh iyo khurad, biyo aad u badanna cabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here