Maxkamadda Sare Oo Dhaarisay Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid

36
2744

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda sare ee distooriga ah ee JSL ayaa khamiistii dhaarisay xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid inuu buuxiyo kursigii uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Ibraahim Axmed Haybe oo bishii hore geeriyooday.

Guddoomiyaha maxkamada sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa dhaariyay xildhibaankan cusub oo ka mid noqonaya golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaan Xuseen ayaa kursigan loo dhaariyay ka dib markii ay maxkamadda sare burisay dacwad uu u gudbiyay wasiir-xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees. Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here