Soo Qaad Warqad Iyo Qalin Oo Sawir Goobo: Waxa Aan Garan Doonaa Illaa Heerka Aad Aqoonyahan Tahay (Q.2)

120
22204

Hargeysa (Geeska) – Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Scinece News waxa aynu ku eegaynaa macnaha ku duugan qaabka aynu u sawirno xariiqda goobada ah. balse aynu ka bilowno qodobbo xiise gaar ah leh:

Sababta soo raacda taas hiddaha ah, ee loo malayn karo in ay keento in qaab sawirka goobadu sidaas noqdaa waa afka, oo la aaminsanyahay in af kasta qaab qoraalkiisu uu saamayn ku leeyahay qaabka sawir ee qofka. Waxa taas tusaale u ah afafka shiinaha iyo Jabbaan oo la aaminsanyahay in qaabqoraalkoodu keeno jihada uu qalinku u soconayo xilliga sawirka goobada, oo ah jihada bidix oo weliba dusha sare ka wareegaysa.

Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 1985 kii, ayaa lagu ogaaday in inta badan ee dadka ku nool Shiinuhu, marka ay goobada sawirayaan, ay qalinka ama xariiqda u wareejiyaan dhinaca saacaddu u wareegto, sababta ugu badan ee arrintaas lagu xidhiidhin karaana ay tahay qaabka xarfaha shiinuhu u qormaan oo ah goobooyin iyo laydhiyo isku dhisan oo aan kala googo’nayn.

Marka aynu eegno dalka Maraykanka, dadkiisu waxa ay u badan yihiin in marka ay goobo sawirayaan ay xariiqda ka wareegjiyaan dhinaca bidix (Lidka ku ah wareegga saacadda) oo dusha sare ah. arrintan laftigeeda waxaa saamayn ku leh afka Ingiriisiga ee dalka lagaga hadlo, oo ay xarfihiisa qaar ka mid ahi qaabkan oo kale dusha oo dhinaca bidix u socota u qormaan. Waxaa ka mid ah xarafka ‘C’ oo ah goobo badhan, O, Q iyo G ayaa iyaguna ka mid ah.

Dalalkan marka uu ardaygu dugsiga bilaabo ee qoraalka xarfaha loo qalin-qabanayo ayaa ay dhacdaa in lagu tababaro in ay xariiqda xarfahan iyo kuwa la midka ah u qoraan qaabka ah in ay bidix oo dusha sare ah u wareegaan. Taas ayaa ah sabab kale oo dadka Maraykan ay ugu bateen in ay xarfaha u qoraan qaabka goobada.

Saamaynta nafsiga ah

In kasta oo aanu cilminafsigu daraasaad badan ku samayn xidhiidhka uu qaab-qoraalka goobadu la yeelan karo xaaladaha nafsiga ah, haddana daraasaadka kooban ee lagu sameeyey oo u badan kuwo la sameeyey intii ka horreysay 1997 kii, waxa ay sheegayaan in ay arrintani xidhiidh la leedahay xaaladda nafsiyadeed ee qofka goobada sawiraya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here