Barnaamij Ku Fududaynaya In Aad Dib U Soo Celis Sawirrada Laga Masaxay Taleefankaaga Gacanta

28
2766

Washington (Geeska) – Waxaa marar badan dhacda in qofku uu si aan ku talagal ahayn isaga masaxo sawir muhiim u ahaa oo taleefankiisa gacanta ugu jiray, waxa kale oo dhacda in qof aan fahamsanayn isticmaalka taleefanka gacanta, sida carruurtu uu sawirka masaxo. Arrintani waxa ay marar badan innagu riddaa niyadxumo iyo cadho aynu ka qaadno xusuusta qaaliga ah ee innaga luntay.

Maanta waxa aad ku bishaaraysataa in sawirradaas aad si fudud dib ugu heli karto. Looma jeedo dadka taleefannada gacanta ee iPhone ka isticmaala, waayo taleefannada casriga ah ee shirkadda Apple iyuo xitaa kombiyuutarradeeda iyo iPad ku waxa ay dhammaantood leeyahay fayl lagu magacaabo “Currently deleted” oo ay ku ururiyaan faylashada dhowaanahaas la soo tirtiray. Waxa uun xusid mudan in aynu niyadda ku hayno in sawirrada iyo fiidyowyada aynu maskaxno ee ku dhaca faylka aynu kor ku soo xusnay, ay yihiin kuwo si ku meelgaadh ah uun muddo ugu sii dhex kaydsanaanaya. Faylasha iyo muuqaallada kala duwan ee taleefannada Apple ka laga tirtiraa muddo 30 maalmood ah ayaa ay ku sii jiraan faylka aynu soo xusnay, ee dib looga soo celin karo.

Marka aynu eegno taleefannada iyo qalabka kale ee ku shaqeeya barnamaijka Android ee ay soo saartay shirkadda Google, waxa ay haystaan fursad ay dib ugu soo ceshan karana sawirrada iyo muuqaallada muhiimka ah ee taleefankiisa casriga ku kaydsanaa, laakiin laga tirtiray. Marka koowaad waxaa la tegeyaa barnaamijka ‘Google Photos’ oo taleefannada qaar marka hore ku sii jira, kuwa kalana si fudud loogu soo dejisan karo. Marka aad furto ‘Google photos’ waxa aad shaawshadda u masaxaysaa gacanta u marinaysaa dhinaca bidix, waxaa kuu soo baxaya liiska adeegyada email ka Gmail ka ah ee taleefanka marka hore lagu diiwaangeliyey, waxa aad ka dhex dooranaysaa ‘Trash’ oo ah faylka uu ku dhex ururiyey wixii la tirtiray oo dhan, halkaas ayaa aad dib uga soo celin kartaa.

Faylka ‘Trash’ waxa uu faylasha lagu rido hayn karaa muddo lixdan maalmood ah, kaddib waa ay tirtirmayaan, haddii aan dib loo soo celin.

Waxa kale oo jira habab kale oo dadka ku takhasusay ay dib ugu soo celin karaan faylashada ka tirtirma taleefanka gacanta ama kombiyuutarka, gaas oo aan ahayn hababka aynu kor ku xusnay oo iyagu ah kuwo fudud oo marka horeba u diyaarsan qofku in uu ka faa’iidaysto.

Waxa jira barnaamij kale oo isugu jira kuwo bilaash ah iyo kuwo lacag ah. barnaamijyadaas oo caawinaya in dib loo soo celiyo xogta ‘DATA’ lunta. Shabakadda wararka ee wargeyska New York Daily News waxa ay si gaar ah u xushay barnaamijyada; DiskDigger, oo ku jira Google Ply. Waxa uu awood u leeyahay in uu dib u soo celiyo dhammaan xogta luntay oo ay ku jirto xogta kaadhka xusuusta ku jirtay. Waxa kale oo jira barnaamijka Kvisoft Data Recovery. Waxa kale oo jira barnaamij bilaa lacag ah oo lagu magacaabo PhotoRec.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here