Sida Ugu Habboon Ee Aad Cadarka Asalka Ah Uga Garan Karto Ka Macmalka Ah

0
978

1Dubai (Geeska)- Dadku waxa ay aalaaba ka cawdaan dhibaato ka haysata iibka cadarka oo ka mid ah wax-soo-saarrada dunida loogu khiyaamaynta badan yahay,waxa aanay u badan tahay in cadar hore loo yaqaannay ootayadiisa iyo urtiisaba ay dadku aad u jecel yihiin loo soo ekeysiiyo cadarro magaca iyo quraaradda uga eeg balse haddana aan ahayn kii saxda ahaa.

Sida ay khubarada caafimaadku marar badan sheegeenna cadarka oo samayskiisa ay ku jiraan walxo iyo maaddooyin kiimikaad, haddiiaan la hubin isu dheelli-tirnaanta iyo tayada kiimikadaas waxaa dhici karta in uu keeno khatar aan ku koobnayn dharka oo halka uu ka gaadho laga fujin kari waayo ama dhibaato kale ku keeno, balse ay dheer tahay in uu khatar ku noqon karo jidhka qofka meesha uu ka gaadho.

Inta badan warwarka ugu weyn ee qofka cadar iibsanaya soo waajahaana waa in uu jecel yahay kala garashada cadarka asalka ah iyo ka la malo-awaalay, qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya waxa ay soo gudbinaysaa dhowr calaamadood oo lagu kala sooci karo cadarka asalka ah iyo kan la malo-awaalay. Waxa aana ka mid ah:

1. Qaladaad qoraal: Inta badan haddii shayga aad iibsanayso cadar ama wax kale aad dushiisa sare ku aragto qaladaad dhinaca luuqadda ah, tusaale ahaan qaybta carabiga ama Ingiriisiga ayaad aragtay iyada oo higaadda iyo qoraalka qalad ku jiro, markaba waxa aad garataa in shaygaasi aanu asal ahayn, waxa aanay ku badan tahay kiriimada iyo cadarrada.

2. Calaamadda ganacsi, dalka sameeyey iyo tayada quraaradda: Haddii cadarka, ama xitaa shay kale aad ku aragto in aan lagu qorin magaca dalka sameeyey, markaba u aqoonso in aanu asal ahayn. Cadarrada samayska ah waxa aad ku arkaysaa magaca dalka oo aan ku qornayn iyada oo wax qoraal u eeg lagu qorayo si aad u mooddo in uu aad u yar yar yahay oo aanad arkayn ama uu tirtirmay, balse uu marka hore ku qornaa. Quraaradda cadarka aan asalka ahayn inta badan qaro aan muhiim ahayn, ama xaradh aan ka quruxda ah ahayn ayaa ay leedahay, halka cadarka asalka ah quraaraddiisu sida xariirta isugu siman tahay. Calaamadda ganacsi ee shirkadda asalka ahi inta badan waa xaradh quraaradda ku samaysan oo aan la tirtiri karayn, laakiin haddii aad aragto in ay qoraal tahay, waxa aad garataa in cadarkaasi aanu asal ahayn.

3. Lul oo eeg xumbada samaysanta: Cilmibaadhis lagu sameeyey cadarro kala duwan ayaa caddaysay in quraaradda cadarka ah ee tayada leh ee asalka ah, maaddooyinka kiimikaad ee ku jiraana asalka yihiin marka la lulo lagu arko in ay xooriso oo weliba kubbadaha yaryar ee xumbada ahi ay muddo 10 illaa 15 ilbidhiqsi ah sii jiraan, kadib qarsoomaan. Laakiin haddii aad lusho oo isla marka aad joojiso dhaq-dhaqaaqaba uu biyihiisii ku noqdo, waa cadar aan sax ahayn. Sidoo kale cadarka aan asalka ahayn marka la lu’lo ee la eego biyihiisa waxaa laga dareemaa in midabka uu yahay aanu ahan midab biyaha oo dhan mar keliya isku mid ah oo isku xidhan, balse waa meel khafiif meel rasiin ama midabka ayaaba kala yar duwan.