Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Xaaladaha Ka Taagan Waddamada Muslimiinta Ah

0
680

Hargeysa (Geeska)-  Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo  khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka 27-aad ee dalalka Carabta oo ka socda dalka Mouritania, ayaa ka hadlay duruufta Ummadaha Carabta ah  xilligan haysta iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabadaha hortaagan.

1

  Mudane Geelle ayaa si gaar ah u tilmaamay la dagaalanka faqriga, is-balaadhinta argagixisada iyo sidii dhallinyarada loogu Abuuri lahaa fursado shaqo si jiilka soo koroya ay qeyb mug leh uga Qaataan

 dhismaha dalalkooda iyo horumarkiisa.

Sidoo kale,  Madaxweyne Geelle wuxuu soo hadal qaaday colaadda dalka  Falastiin, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso dhisidda dowlad Falastiin ah, oo leh Maqaamkeeda iyo dhameynta    khilaafka Israa’iil iyo Falastiin si man-diqadaasi loogu abuuro nabad.

 Dhanka kale, Ismaaciil Geelle, ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday  dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan dalalka Suuriya iyo Liibiya iyo sidii xal looga heli lahaa.

Ugu dambeyn,  Shir-weynaha Waddamada Carabta ayaa Waxaa Sannadkan  markii ugu horreysay lagu qabanayaa  dalka Mouretainia, iyadoo lagu soo qaadayo xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.