Sheekh Khudbaddii Jimcaha Inta Uu Joojiyey Masaajidka Ka Eryey Nin Dadka Dhegeysanayey Ka Mid Ahaa

0
881

Qaahira (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey barkulanka bulshada ee Facebook si weyn ugu dhex wareegayey Fiidyow uu nin sheikh ahi masaajid uu khudbad jimce ka akhriyeyey ka eryayo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka masaajidka u yimid salaadda jimcaha.

Sheekh Waliid Sharqaawi ayaa inta uu khudbaddiisa hakiyo waxa uu ereyo canaan aad u kukul ah u jeediyey wiilkan ka mid ahaa dadka oo uu sheekhu isha ku dhuftay isaga oo dhegeysiga khudbadda kaga mashquulay talefankiisa gacanta oo uu wadwaday.

Imaamka Masjidka Jafar Hilaal oo ku yaalla degmada Daqhaliya ee dalka Masar ayaa wiilkan amar ku siiyey in uu kaco oo masjidka bannaanka uga baxo, isaga oo ereyo kulul ugu sheegaya in haddii aanu ka bixin masaajidka uu isagu u soo dhaadhici doono si uu uga saaro. Sheekh Waliid khudbaddiisa dib uma uu bilaabin illaa uu wiilkani maqlay amarkiisa oo dibadda uu uga baxay masaajidka.

Wadaadkan ayaan intaa ku joogsan ee waxa uu sii waday ereyo uu ku dhaliilsan yahay ixtiraam darrada wiilku ku waajahay masjidka iyo khudbadda jimcaha ee socota. Waxa aanu si gaar ah u canaantay waalidka oo uu sheegay in aanay tacab badan gelin edbinta iyo barbaarinta wanaagsan ee ubadka, taasina keento in bulsho anshax xumidu ku badan tahay ay kacdo.

Arrintan ayaa buuq iyo hadal hayn badan kaga tagtay dadkii masaajidka maalintaas joogay iyo guud ahaan dadka ka war helay dhacdadan oo iyada oo maqal iyo muuqaal ah dadku isku dhaafsadeen baraha bulshada.

Dad badan oo ka cadhaysan  habka qaldan ee dhalinyaro badani ay talefanka gacanta ugu mashquulaan ayaa si aad ah wadaadkan ugu riyaaqay, kuna tilmaamay nin soo jeeda oo la socday jamaca uu khudbadda u akhriyayo, laakiin dad badan ayaa arrintan si aad ah u dhaliilay iyaga oo ku doodaya in aanay waafaqsanayn hannaanka dabacsan ee Islaamku u edbiyo dadka iyo naxariistii looga bartay Nebi Muxamed (SCW).