Sergio Aguero Oo Go’aansaday Inuu Ka Tago Man-City Kadib Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Tabobare Guardiola

35
5280

 

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daboolka ka qaaday shalay oo Sabti ahayd In weeraryahanka reer Argantina Sergio Aguero uu go’aansaday inuu isaga dhaqaaqo Manchester City, sababa la xidhiidha khilaafaadka joogtada ah ee soo kala dhex galay isaga iyo Pep Guardiola.Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in si xoogan uu kaga cadheysan yahay macalinka reer Spain ee Pep Guardiola. Maadaama uu hoos u dhigay doorkii uu ku lahaa kooxda Manchester City, sababa la xidhiidha inuu lumiyay booskiisii joogtada ahaa.Si kastaba Aguero ayaa si xoogan ugu fikiraya inuu isaga dhaqaaqo Etihad Stadium, hadii ay sii socoto in Pep Guardiola kulamada soo aadan uu sii aamino adeega da’ayarka reer Brazil ee Gabriel Jesús.

Heshiiska uu laacibka reer Argantina ku joogo kooxda Manchester City ayaa wuxuu dhacayaa sanada 2019, Aguero ayaana hore u sheegay inuu ka tagi doono kooxda isagoo 31 jir ah, laakiin waxaa suuragal ah in kohor uu isaga dhaqaaqo si uu u tijaabiyo loolan kale ee cusub si uu ugu dhaqaaqo mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub, Real Madrid ayaana mar walba xiiso u qabto inay ku guuleysato adeegiisa .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here