Sababta Cilmiga Ah Ee Keenta In Cod Ama Laxan Keli Ahi Laba Qof Midna Uu La Fiicnaado Midina Aanu Xiisayn

0
661

Washington (Geeska)- Waxaa laga yaabaa in marar badan ay maskaxdaada ku soo dhacday sababta keenta in qof aynu luuqdiisa aad u jecelnahay una haysanno in ay macaan tahay, uu qof kale ku doodo in aanay fiicnayn. In muusig aad danankiisa neceb tahay aad aragto ruux kale oo isagu aad ugu madax lulaya. Arrintan marka dhinaca cilmiga laga eego waa arrin caadi ah in laba qof luuq ay hal mar wada dhegeysteen haddana kala si u qiimeeyaan.

Sababta

Labada qof in ay cod keliya u dhadhansadaan siyaabo kala fog waxaa saamayn ku leh dookha iyo dhaqanka qofka, laakiin si labadaas arrimoodba ka weyn, codka dhadhamadiisu waxa ay ku xidhan tahay qaab abuurka qofka, gaar ahaan qolfoofka madaxa iyo qaabka ay dheguhu u samaysan yihiin, oo saamayn ku leh qaabka uu codku u gaadhayo dhegeheenna, kadibna ugu sii gudbayo unugyada maskaxda si uu ugu baraarujiyo codkan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan ogaaday in marka hirarka codku ay gaadhaan dhegta gudaha ay kadib u sii gudbiso unugyada maskaxda ee masuulka ka ah in ay xogtan cusub u qaadaan maskaxda, baraarujintaas ay unugyadani maskaxda baraarujinayaanna ay siyaabo kala duwan ugu dhacdo maskaxda, sida oo kalana meelo kala duwan ka abbaarto, taas ayaana ah sababta keenaysa in dadka qaar marka ay cod ama luuq maqlaan ay markaba maskaxdoodu soo celiso xusuuso hore oo luuqdaas ku xidhnaa. Sida oo kale waa sababta fannaanka u fududaynaysa in uu heesta xasuusto oo qaado marka muusigeedii loo tumo, halka laga yaabo in aanu xasuusan kareen haddii iyada oo bilaa muusig ah uu damco in uu midhaha akhriyo.

Sababaha cilmi ahaan la ogaaday ee keena in maqalka codku uu labada qof ee wada dhegeystay u kala duwanaado waxaa ka mid ah, qaabdhismeedka lafeed ee sida caadiga ahba dadku ku kala duwan yihiin, qaabka wareegga iyo qal-qallooca qolfoofka madaxa iyo cufnaanta lafihiisa, arrimahaas oo raadayn ku yeesha qaabka hirarku u socdaan marka ay gaadhayaan dhegta.

Jimciyadda dhawaqa ee dalka Maraykanka oo ka hadashay daraasaddan cusub ee Geeska Afrika turjumay ayaa sheegtay in isbedellada yare e sida caadiga ah ku jira qaabsamayska lafaha madaxa ee dadku ay saamayn ku leyihiin gariirka ay samaynayaan hirarka codku. Baadhis ay xeeldheerayaasha jimciyaddani sameeyeenna waxa ay ku ogaadeen in qolfoofka madaxa dumarku uu u samaysan yahay qaab dedejinaya lulankaas hirarka dhawaqa ee dhegtooda maraya, si ka duwan ragga. Halkaas ayaana ay raad ku leedahay sababta qof u jeclaado codad ama danan muusig oo gaar ah oo mid kale nacayo.

Daraasaddan marka la raaco waxaa inoo soo baxaya in aanu jirin danan ama luuq la isku raaci karo in ay tahay ta ugu fiican ama ugu xun yahay.

Ugu dambayntii xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in ilmaha ku weynaada jawi muusig iyo codad luuuq ahi ku badan yihiin uu inta badan noqdo qof ku fiican barashada luuqada iyo xisaabaadka, maskax ahaanan aad ugu diyaarsan fahamka arrimaha maangalka ah.