Sababaha Cudurrada Wadnaha Ku Dhacaa Ay Dumarka Ugu Bataan: Qalbi-Jabka Badan, Ololka Jidhka, Iyo Guud Ahaan Xaaladaha Nafsiga Ah (Q.2aad)

38
4190

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii labaad ee warbixin uu Geeska Afrika turjumay ee iftiiminaysay sababaha loo tirinayo in ay keenaan in gabadhu ay ninka kaga badato xanuunnada ku dhaca wadnaha:

– Qalbi jabka: Qalbijabku waa xaalad nafsiya oo aanay Soomaalida badankeedu u aqoonnin in uu xanuun sii ridin yahay ama sababi karo xaalado caafimaad oo khatar ah. Dumarku si ragga ka badan ayaa ay qiiradooda iyo caadifadoodu u kacdaa, lagana yaabo in xaalad kasta oo ka hortimaaddaa ay ku yeelato shucuur qiiro ama xamaasadeed, maadaama oo ay badan yihiin taakooyinka iyo turaanturrooyinka noloshu waxa ay tani inta badan ku keentaa in uu si fudud ugu dhaco qalbi jab iyo niyad xumo ka dhalata duruufaha nololeed ee ay la kulmayso, sida qof qaali ku ah oo ay weydo, xidhiidh jacayl ama qoys oo si aanay ka raalli ahayn uga burbura, furniin kedis ah oo aanay qorshaysan, duruufo adag oo dhaqaale … iwm. Arrimahan oo dhami waxa ay gabadha ku keenaan in ay u nuglaato xanuunnada khatarta ah ee wadnaha ku dhaca.

– ololka soo noqnoqda: Xubno xanuunka, gaar ahaan cudurka Roomatiisanku waxa uu ku badan yahay dumarka, waxa aanu inta badan kordhiyaa khatarta ah in uu keeno wadne xanuun. Roomatiisanku waxa uu jidhka ku keenaa kaar iyo boogo gudaha ah, waxa aanu dhaawacaa xididdada dhiigga qaada.

Waxa ay dhakhaatiirta iyo xeeldheereyaasha nafaqadu ku talinayaan in dumarku ay badsadaan cunista cuntooyinka liddiga ku ah jidh ololka iyo cuncunka, si ay uga hortagaan xanuunnada wadnaha ku dhaca.

– Xaaladaha nafsiga ah: Guud ahaanba xaaladaha nafsiga ahi waxa ay rag iyo dumarba ku keenaan caafimaad darro kala duwan oo nafsad ahaan iyo jidh ahaan labadaba leh. Mar kastana dhibtaasi dumarka ayaa ay ku badan tahay, marka la barbardhigo ragga. Waxa ay khubaradu si gaar ah u tilmaamaan laba xaaladood oo kala ah:

Faquuqnida: Guud ahaanba faquuqnida iyo in qofku bulshada ka soocnaado oo keli socod uu noqdaa waa xaalad caafimaad darro oo nafsi ah, dhibaatana ku keenta ragga iyo dumarkaba. Laakiin waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in xaaladdani ay dumarka ku kordhiso boqolkiiba 30 halista ah in uu wadne xanuun ku dhaco.

Tiradaas oo ka yar inta ay ku kordhiso ragga ayaa u dhiganta heerka khatarta uu sigaarku ku keeno caafimaadka qofka. Sidaa awgeed talada ugu fiicani waa in marka ay gabadha soo maraan xaalado ku kallifaya gooni joog iyo faquuqni ay dhaqso uga fikirto in ay raadiso habkii ay uga bixi lahayd, si ay uga hortagto dhibta ay ku kenei karto.

Qulubka: Qulubka ayaa isna ka mid ah xaaladaha nafsiga ah ee dumarka si gaar ah ugu kordhiya khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco. Waxa ay khubarada cilminafsigu aaminsan yihiin in qulubku uu dumarka ku badan yahay, dhibtiisuna ay tahay in uu kor u qaado heerka hormoonka Cortisol, oo loo yaqaanno hormoonka qulubka. Kor u kaca hormoonkan ayaa isna dhankiisa keena wadne xanuun, dhiigga oo kaca iyo dufanka oo jidhka ku bata.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here