Qisada Muslimiddii Mike Tyson, Horyaalkii Feedhka Miisaanka Culus Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyey Kufsigii Lagu Eedeeyey

0
1054

Hargeysa (Geeska)- Mike Tyson oo ka mid ahaa halyeeyada ugu magaca dheer ee soo maray dunida feedhka, xilligii uu ciyaari jirayna waxaa lagu tilmaami jiray ninka loogu cabsi badnaa ee abid soo mara feedhka, oo macnaheedu yahay in feedhyahanka ay is waajahayaan inta aanu dagaalkoodu bilaabmin in uu sii baqo.

Mike Tyson waxa uu ku guulaystay 22 kii jeer ee ugu horreeyey ee uu tartan feedh ka qaybgalo, waxa aana aad looga yaabi jiray xawaaraha yaabka leh ee uu feedhkiisu darandoorriga ugu dhaco marka uu dagaalamayo, taas oo la amainsan yahay in ay qayb ka tahay guulaha uu gaadho, waxa kale oo guulihiisa badan loo sibir saaraa xirfadda aadka u sarraysa ee uu u leeyahay isdifaaca. Qisadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay majaladda Al-Bayaan ee ka soo baxa dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Mike Tyson magaalada New York ku dhashay 30 kii bishii Juun 1966kii, waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah. Isaga oo aad u yar ayaa uu aabihii iskaga tegey qoyska, sidaa awgeed ayaa uu u qaatay abtirsiintii hooyadii ee Tyson ay ku jirto.

Bilowgii feedhkiisa waxa uu ka bilaabay naadi u dhowaa gurigooda, kadib waxa uu ku noqday xariif, gaar ahaan markii uu waxbarashada iskaga tegey ee uu u go’ay feedhka isaga oo weli yar, illaa uu ugu dambayntii noqday horyaalka feedhka miisaanka culus, laguna naanaysay, ‘Ninkii birta ahaa’. xiddiga uu eegto ee uu ku ku hammiyo in uu gaadhaa waxa uu ahaa xiddigii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay.

Sannadkii 1997kii ayaa ay ceebtii ugu weynayd ku dhacday Tyson kadib markii uu qayb dhegta ka mid ah ka goostay feedhyahanka Evander Holyfield oo ciyaartaas kaga gacan sarreeyey Tyson. Dhacdadaasi waxa ay Tyson ku keentay sumcad xumadii ugu weynayd, waxa aanay dunida feedhka ka abuurtay dood iyo muran aad u badan.

16 sano kadib maalintaas uu Tyson qaniinay Evander ayaa ayu mar kale kulmeen labada feedhyahan ee caanka ahi. In kasta oo colaad hore iyo xurguf badani u dhexeysay haddana markan ciyaarta feedhka ah oo ka dhacday magaalada Chicago waxaa soo codsaday Evander oo doonayey in uu u sheego in aanu calool xumo u qabin, waxa aanay ku bilaabatay farxad iyo is-hab-siin. Ciyaartani markii ay furmaysay ayaa uu Evander si kaftan ah saaxiibkii Tyson uga codsaday in uu dib ugu soo celiyo dhegtiisa intii uu gooystay, “Dhegtayda intii aad cuntay ii soo celi” ayaa uu Tyson oo aad uga xun sida ay wax ka noqdeen berigaas waxa uu kaga jawaabay in uu si rasmi ah raalli gelin uga bixiyo habdhaqankaas foosha xumaa, “Waxa aan halkan u imi in aan la kulmo Evander, aad ayaa aan u jecelahay” ayaana ka mid ahaa ereyadii uu ku jawaabay. Isaga Evander qudhiisuna hadalkan Tyson ka hor sheegay in waxa dhacay uu qalad ahaa, imikana xidhiidhkoodu fiican yahay.

Tyson ceebtaas qaniinyada waxaa u raacay fadeexado badan oo dhinaca dhaqanka ah, marar kala duwanna ganaax iyo xabsiyo waqti yar ah uu ku mutaystay. Laakiin Tyson iyo dadka yaqaanna qaar badan oo ka mid ahi waxa ay ku doodaan in ay ahayd mu’aamarado lagu sumcad dilayey, oo aanu ahayn shakhsiyad sidaa u dhaqan xun, isaga oo ka warramaya fadeexadahaas ku dhacay mid ka mid ah oo kufsi la xidhiidhay waxa uu yidhi, “Mar kasta waxa aan la kulmi jiray daandaansi, warbaahinta oo iska kay dabagasha iyo sawirqaadayaal meel kasta I daba taagan, waa dhibaato ay inta badan ee dadka caanka ah ee Maraykanku ila qabeen, sidaa awgeed waxa uun aan isku dayi jiray in aan intii suurtogal ah ka fogaado xaaladdaas. Illaa maalintii dambe la’ igaga yaabiyey eed la igu soo oogay oo ay inantii boqoradda quruxda Maraykan ahaan jirtay ku andacoonayso in aan ku xadgudbay” Ayaa uu yidhi Tyson, isaga oo iska bari yeelaya waxa eeddaas ka jirayna waxa uu yidhi, “Waxa uu Alle og yahay in dacwaddaasi ay ahayd mid la soo dhoob-dhoobay oo ahayd been abuur guulaha aan gaadhay lagaga aargoosanayo” Sidii la rabay ayaana ay u dhacday oo Tyson xabsiga ayaa loo taxaabay, kadib markii lagu qaaday dacwaddaas kufsiga ah, in kasta oo 3 sano markii uu xidhnaa la sii daayey.

Muslimiddi Tyson

Tayson oo ka sheekaynaya sidii uu diinta Islaamka ku qaatay ayaa yidhi, “Xabsiga intii aan ku jiray ayaa waxa aan bartay dad diinta Islaamak iyaguna hortay qaatay. Laakiin anigu markan diintan waxba kama aan aqoonin, in kasta oo aan hore u ogaa in halyeygayga aan ku daydo ee Maxamed Cali Kalaay uu sannado badan ka hor muslimay”

Tyson isaga oo sii wada sheekada muslimiddiisii waxa uu yidhi, “Xabsigu waa uu I kibir jebiyey, waxa aanu fursad ii siiyey in aan barto Islaamka, iyo dhaqanka dulqaadka iyo samofalka ah ee uu dadka barayo, waxa aan helay nolol kale oo dhadhan kii hore ka duwan leh, Islaamku waxa uu i siiyey awood Sabir oo badan, waxa aanu I baray in aan Alle u mahadnaqo xitaa marka ay masiibo dhacdo. Halkaas ayaa aan ku qaatay go’aankaygii muslimidda, waxa aanan ku dhawaaqay aniga oo si buuxda ugu qanacsan in aan Islaamnimada diin ka dhigtay. Magacaygii hore ee Tyson ayaa aan isagana iska beddelay oo waxa aan la baxay ‘Cumar Cabdalcasiis’ in kasta oo aan markii dambe la baxay magacayga kale ee ‘Maalik Cabdalcasiis’ kadib markii aan ogaaday in Maalik uu yahay magaca dhianca Islaamak u dhigma magacayga hore ee Mike.

Tyson oo ka warramaya musliminadii kadib waxa uu yidhi, “Intii aanan si buuxda Islaamka u qaadan, waxoogaa waa aan yara walaacsanaa, laakiin Qur’aanka ayaa aan dhigtay, markaasaan jawaabo uga helay su’aalo badan oo aan nolosha iyo geeridaba ka qabay, waxa ugu badan ee Islaamnimada sida degdegga ah igu qanciyeyna waxaa ka mdi ahaa sida uu Qur’aanku u ixtiraamo laba diinood ee Yuhuudda iyo Kiristaanka”

Isaga oo u jawaabaya dad ku dhaliila muslimnimadiisa waxa uu yidhi, “In aan muslim ahayn macnaheedu ma’aha in aan ceebka saliim noqday. Waa se in aan ka fiicanahay sidii aan ahaa muslimnimada ka hor”

Tyson intii uu xabsiga ka soo baxay waxa uu bilaabay nolol aad u deggen oo uu qoyskiisa iyo dadka kale ee Muslimiinta ah farxad kula qaato, sannadkii 2005 ayaana uu ku dhawaaqay in uu ka nastay ciyaarihii feedhtanka, kadib markii uu ka adkaan kari waayey Kevin McBride, ereyadii caanka ahaa ee uu ciyaarta ku sagootiyeyna waxaa ka mid ahaa, “Waa ay iga dhammaatay geesinimadii wadnaha ee aan intaas ka badan ku sii dagaalami kari lahaa” Tyson waxaa uu illaa hadda yahay, feedhyahankii abid ugu da’da yaraa ee ku guulaysta feedhka miisaanka culus, isaga oo ahaa 20 jir, 19 kii ciyaarood ee ugu horreeyey ku guulaystay, weliba 12 ka mid ah feedhkii koowaadba dhulka dhigay ninkii ka soo horjeeday.