Soonka Iyo Sixada (20): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
860

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa waxyaabaha dhammaadka soddonka cisho ee soonka laga filan karo jidhka qofka soo dhammaystay bishan. Dr. Majdi Badraan oo ku xeeldheer caafimaadka hab-dhiska difaaca jidhka, ayaa sheegay in soddon maalmood oo la afxidhnaado kadib faa’idooyinka soonka laga filanayo ay ka mid tahay:

– In mariidka / suntan cuntada ka dhalata, ee jidhka ku ururtay ay tirtiranto, waxa sida oo kale burbura fayraska jidhka ku jira.

– Waxa uu soonku qofka ka ilaaliyaa unugyada aadka u gaboobay, kuwaas oo ay ka mid yihiin unugyada dhimashada ku dhow, waxa aanay taasi xoojinaysaa habdhiska difaaca jidhka.

– Waxaa cusboonaada unugyada dhiigga, taas oo iyaduna gacan ka geysata hawsha koritaanka jidhka.

– Sida uu Dr. Badraan sheegay in soddon maalmood oo la soomaa waxa ay firfircooni iyo dib u cusboonaysiin gelisaa ganaca. Waxa aanay taasi keentaa in aanu cudurka macaanku qofka ku dhicin ugu yaraan bilaha xiga bisha soonka.

– Waxa uu soonku jidhka ka saaraa maadadda Nicotine ee sigaarka ku jirta, sidaa awgeed waxa uu si weyn qofka uga caawiyaa in uu iska joojiyo sigaar nuugista. Waxaa iyaduna la mid ah oo uu soonku jidhka ka saaraa maadadda Caffeine.

– Khabiirkani waxa uu sheegay in soonku uu fursad weyn oo nasasho u yahay xubnaha iyo habdhisyada kala duwan ee jidhka, oo muddo shaqada ay ka nastaan hela, taasina u suurtogeliso in ay dib u dardargeliyaan shaqadooda iyo hawlaha ay jidhka u hayaan kana takhalusaan wixii dib u dhac iyo dhibaato ah ee soo gaadhay muddadii dheerayd ee ay sida joogtada ah u soo shaqaynayeen.

– Soonku waxa uu dib u cusboonaysiiyaa wareegga dhiigga, waxa aanu dib u nidaamiyaa habdhiska dheefshiidka, taas oo caawisa in uu miisaanku hoos u dhaco iyo in dufanka / caydha jidhka ku ururtay ay gubato.

– Dr. Badraan waxa uu sheegay in bil soon ahi ay daweyso qaar ka mid ah xanuunnada aan inta badan loo taag helin daweyntooda, sida cudurka Rheumatoid Arthritis oo ah xaalad uu habdhiska difaaca laftiisii uu weerarayo xubnaha kale iyo xaglaha ama laabatooyinka, haddii aan la’ la tacaalinna waxa uu gaadhaa in habdhiska difaacu uu weeraro oo burburiyo sambabada iyo maqaarka. Waxa kale oo ka mid ah cudurrada soonku daweeyo, cudurka inta badan dumarka ku dhaca ee Systemic Lupus erythematosus (SLE), oo lagu yaqaanno in uu weeraro oo burbruiyo habdhiska difaaca, unugyada iyo nudaha jidhka, halkii ay ka ahayd in uu ka difaaco. Waxa kale oo uu soonka soddonka maalmood ahi jidhka ka gudhiyaa dareeraha / biyaha aan loo baahnayn ee ku urura, gaar ahaan biyaha ku urura labada dhudhun ee lugaha iyo caloosha.

– Ugu dambayntii soonku waxa uu kordhiyaa awoodda dareen ee dareemayaasha shanta ah iyo xasaasiyadda.