Nidaamka Cunto Ee Ugu Caafimaadka Badan Xilliga Soonka: In Wax La Cuno 4 Jeer Oo U Dhexeya Afurka Iyo Suxuurta

0
960

1Riyaad (Geeska)- Si nidaam cunto qaadasho oo caafimaadka u wanaagsan loo sameeyo bisha Ramadaan waxaa waajib ah in cuntada la cunayo loo qaybiyo afar waqti oo u dhexeeya afurka iyo suxuurta, sidoo kale waxaa fiican in lagu afuro dhowr xabbo oo timir ah iyo in la isu dheelli tiro cuntada lagu suxuuranayo.

Celcelis ahaan waqtiga ugu badan ee la soomo bisha Ramadaan waa 14 saacadood maalintii, sannadihii u dambeeyey oo kan hadda ugu daran yahayna waxa ay ku soo beegantay xilli xagaa aad u kulul ay dunidu ku jirto, khubarada ku xeeldheer caafimaadka cuntada iyo nafaqadu iyaga oo arrintaas ka duulaya, ayaa ay aad u adkeeyeen muhiimadda weyn ee caafimaad ah ku jirta in qofku uu cunto iyo hannaan cunto caafimaad qabta u diyaarsado afurka, suxuurta, waxa aanay ku taliyeen in sida ugu fiicani ay tahay in uu afar xilli cunto u dhexeysiiyo afurka iyo suxuurta.

Warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in sida ugu habboon ee ay khubarada caafimaadku ku talinayaan ay tahay in qofku uu ku afuro biyo iyo midhadh timir ah, oo illaa 7 xabbo ah. Sida uu sunnuhu yahayna waxaa fiican in tirada timirtaas laga cunayaa ay noqoto tiro kisi ah (Kala dhiman). Timirtu waxa ay suurtogelinaysaa in uu si caafimaad qabta u baraarugo/dib ugu firfircoonaado hab-dhiska dheefshiidka oo saacado badan aan hawl qaban. Cabbaar kadib ayaa ay tahay in uu qofku cabbo sixin shurbad ah, waxa aanay khubaradu sheegeen in shurbaddu ay tahay cuntada ugu habboon ee caloosha u diyaarin kara in ay qaabisho cunto ka maqnayd saacado badan, kana ilaalin karta dhibta ka imanaysa marxaladda kala guur ee gaajada iyo dheregga ee calooshu marayso.

Marka uu qofka af-xidhnaa intaa cuno, waxa uu sugayaa illaa soddon daqiiqo, kadib waxa uu cunayaa cashadii ama cuntadii aasaasiga ahayd ee maalintaas, taas oo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in ay ku jirto khudrad, barootiin iyo Istaraajis. Marka ay cuntadan oo ta ugu muhiimsan xilliga soonka ah khubaradu sii faahfaahnayaan waxa ay ku taliyaan in tusaae ahaan halka bilaydh ee cuntada ahi ka koobnaado, saxan badhkii oo khudradda cagaaran, (saladh, kaabash iwm) ah, saxankka Rubucii oo istraatij ah iyo Rubuca soo hadhay oo ah barootiin. Cuntada saddexaad ee cabbar kadib qofku cunayo ramadaanku waxaa fiican in ay noqoto, khudaarad midhaha ah, (Tufaax, muus, liin iwm) ama gobal yar oo ah macmacaan sida keegga, xalwadda iwm, laakiin dufanku aanu aad ugu badnayn. Markaa kadib waxaa imanaysa xilliga afaraad oo ah suxuurta, suxuurtu waa cuntada labaad ee ugu muhiimsan, waayo waa ta qofka ka caawinaysa in uu soonka maalinnimo u adkaysto, waxaa muhiim ah in dareere badan la cabbo, sidoo kale barootiin, sida beedka, Jiiska, caanaha iyo Istaraatijka.

Si qofku aanu maalintii u harraadin waxaa lagula talinayaa in aanu habeenkii cunin, cuntada ay ku badan yihin xawaashyada iyo busbaasku, cuntooyinka leh milixda badan iyo Kaafiyeenta (Sida bunka, shaaha badan, iwm) oo iyaduna badisa gaajada iyo harraadka. Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in la iska jiro cuntooyinka shiilan sida, saambuusaha, barashada Jibiska loo yaqaanno iyo xitaa marka cuntooyinka caadiga ah la shiilo sida digaagga, hilibka, kalluunka iwm, sidoo kale waa in la iska jiro cuntooyinka dufanku ku badan yihiin, waxa aanay ku talinayaan in labadan cunto lagu beddelan karo cuntooyinka duban ama la karkariyey (Sida hilibku marka uu falfalka yahay iwm).

FG: Istaraatisku: Waa Kaarboon haydarayd isku jirta oo afka cilmiga loo soo gaabiyo CAS, waxaana ku jirta sonkor (Macaan dabiici ah) meelaha laga helana waxaa ka mid ah, roodhida, garowga, heedda, baastada, digirta, ama khudaarta oo ay baradhada aan shiilnayn ka mid tahay.