Mucjisooyinka Wadnaha: Xubin Jidhka Ka Mid Ah Oo Aanu Dhiigga Gaadhsiin, Garaaca Wadnaha Ragga Iyo Dumarka Oo Kala Badan Iyo Sawirka Jacaylka Aynu Ku Cabbirno Oo Aan Ahayn Wadne

Published on Apr 12 2018 // Googooska Geeska

Tehran (Geeska)- Wadnuhu waa xubinta ugu awoodda badan jidhka aadamaha, oo ah mishiinka ka shaqaysiiya qaybaha kala duwan oo dhan. Waxa uu shaqadiisa bilaabaa marka uu ilmuhu 21maalmood oo keliya ku jiro uurka hooyadii, waxa aanu shaqada wadaa illaa ilbidhiqsiga u dambeeya ee nolosha. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Almannaar, oo laga leeyahay dalka Iiraan. Waxa ay soo bandhigaysaa hawlaha kala duwan iyo qaab abuurka wadnaha bani’aadamka, oo inta badan aanay dadku ka warqabin.

  1. Wadnuhu waxa uu dhiigga gaadhsiiyaa (Ku buufiyaa) dhammaan unugyada jidhka marka laga reebo ilxaydha oo keliya. (cornea: ilxaydh oo ah qaybta aynu xaydha isha u naqaanno)
  2. Wadnuhu waxa uu maalinta keliya sameeyaa garaac tiradiisu dhan tahay 115 kun oo jeer.
  3. Wadnuhu waxa uu maalintii tuuraa (Buufiyaa) dhiig qiyaastiisu tahay 7 kun 571 litir oo dhiig ah.
  4. Miisaanka wadnaha raggu waxa uu u dhigmaa 454 giraam, taas oo ka yar kiiloogaraam badhkii. Waxa aanu cilmigu xaqiijiyey in wadnaha ninku uu 57 giraam ka culus yahay miisaanka wadnaha dumarka.
  5. Garaaca wadnaha dumarku waa uu ka degdeg badan yahay garaaca wadnaha ragga.
  6. Sanqadha wadnaha ee aynu dareennaa waxa ay ka dhalataa is furidda iyo xidhidda waalalka wadnaha ee loo yaqaanno (Heart Valves).
  7. Dhammaan dhaqannada iyo bulshooyinka kala duwan ee dunidu, waxa ay ay isku xidhaan wadnaha iyo jacaylka, mar kasta oo jacayl laga warramayo, wadnaha ayaa la soo qaataa, sawirka keliya ee jacaylka calaamadda u ahna wadnaha ayaa lagu sheegaa. Laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah in sawirka ay dadku mar kasta jacaylka raaciyaan ee ay wadnaha ku sheegayaan in aanu ahayn sawirka runta ah ee wadnuhu leeyahay. Balse waa sawirka ubaxa geedka afka qalaad lagu yidhaahdo Silphium oo ah ka uu sawirkiisu qoraalkan la socdo.

Waxa taas ka sii yaab badan in jacaylka oo fure u ah guur iyo dabcan taran, calaamad looga dhigay geedka Silfiyoom oo taariikhihii hore ahaa dawo ay dadkii xilligaasi u isticmaali jireen joojinta dhalmada.

  1. Nidaamka koronto ee dabiiciga ah ee maamula garaaca wadnuhu, waa mid u gaar ah oo ku kooban wadnaha oo keliya, waxa aana lagu magacaabaa nidaamka (Cadiac Delivery System). Sidaa awgeed waxa uu wadnuhu awoodaa in uu garaaca sii wato xitaa haddii uu go’o xidhiidhka uu la’ leeyahay jidhka intiisa kale.
  2. Taariikhda markii ugu horreysay ee uu cilmiga caafimaadku ku guulaystay in uu qof ku rakibo qalabka nidaamiya garaaca wadnaha, waxa ay ahayd sannadkii 1958 kii. Ajasha iyo xanuunku waa ay kala duwan yihiin, oo bukaankaas garaaca wadnuhu khalkhalay ee qalabka lagu rakibay waxa uu noolaaday muddo aad uga dheer intii uu noolaa dhakhtarkii badbaadiyey ee qalabkan ku xidhay.
  3. Illaa imika taariikhda la hayo, bukaankii ugu da’da yaraa ee qalniin wadnaha ah lagu sameeyey waxa uu ahaa ilme yar oo daqiiqad keliya cimrigiisu ahaa, isla markii uu soo dhashay ee xaaladdiisa la arkay waxaa loo sameeyey qalniin lagaga badbaadinayey khalkhal dilaa ah oo wadnaheeda lagu arkay. Nasiibwanaag waa uu noolaaday ilmahaasi laakiin waxa uu noolaaday isaga oo u baahan in wadnaha laga beddelo.
  4. Xanuunkii ugu horreeyey ee wadnaha ee bukaan lagu sheego, waxaa lagu arkay, baadhitaanno caafimaad oo lagu sameeyey qolfoofka iyo hadhaadiga faraaciinadii. Waxa aanay taariikhyahannadu aaminsan yihiin in Fircoonkaas baadhista lagu sameeyey uu noolaa in ka badan 3500 oo sano ka hor.
  5. Wadnaha ugu xajmiga yar ee illaa hadda dunida lagu arkay waa wadnaha nooc ka mid ah qudhaanjada oo lagu magacaabo (Fairyflies ama Mymaridae).
  6. Wadnaha ugu weyn ee illaa hadda la ogyahay waa wadnaha xayawaanka nibiriga.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!