Imaaraadka Carabta Iyo Soomaaliya Oo Diblomaasi Ahaan Sii Kala Fogaanaya

49
3791

Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay sii kala fogaanayaan diblomasi ahaan, waxaanay Soomaaliya shalay qaaday talaabadii u dambaysay.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa shalay Muqdisho ka sheegay  in ciidamada Imaaraadka Carabtu ay tababaraan ee Soomaalida ah lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya oo laga saaray hawlgaladii Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay in dharaaraha soo socda ay dawladda Soomaaliya la wareegi doonto ciidamadaas oo ay Imaaraadka Carabtu u tababarto la dagaalanka argagixisada.

Talaabadan ayaa u muuqata mid ay dawladda Soomaaliya ku sii holcinayso khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay lacag dhan 9.6 milyan dollar oo ay Imaaraadka Carabtu sheegtay inay ciidamadan u wadeen oo ay dawladda Soomaaliya ku qabatay madaarka Muqdisho.

Go’aanka Somaliya ayaa micno diblomaasiyadeed samaynaya. Wuxuuna tilmaan u yahay in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka joojisay tababarkii iyo taageeradii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, iyadoo uu dhinaca kale si toos ah u shaqaynayo saldhiga milatari ee uu Turkigu ka samaystay Muqdisho kaas oo ay toddobaadkan ka qalin jabiyeen koox askar ahi.

Dawladaha Imaaraatka Carabka cambaareeyay dawladda Soomaaliya, iyada oo ku eedeeysay in ay ka been abuuratay Imaaraatka, islamarkaasna shaqaale safaaradeed lagu qabtay qori caaradiis, kadibna lacag malaayiin ah lagala wareegay si xoog ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here