Minweyno Iska Xaadirisay Arooskii Minyarada Ee Saygeeda Oo Dood Badan Ka Dhex Abuurtay Baraha Bulshada

0
983

Qaahira (Geeska)- Haweenay u dhalatay dalka Masar ayaa iyada oo dareen farxadeed muujinaysa ka qaybgashay xafladda arrooska saygeeda oo gabadh labaad la guursaday. Arrintan ayaa doodo aad u kulul iyo muranno mashquuliyey baraha bulshada ee Internet ka dhex abuuray dadka reer Masar iyo guud ahaan dadka dunida Carabta ee la socday warbaahinta bulshada.

Dad badan ayaa ku dooday in ay aqbali karaan gabadh ka qaybgasha arooska nin mar hore saygeeda ahaa oo ay kala tageen, ama xidhiidh adag oo haasaawe ka dhexeyn jiray, laakiin waxaa ka degi weyday in gabadhani ay weli tahay ninkan xaaskiisa oo weliba xidhiidh wanaagsan iyo farxad ay ku wada noolyihiin haddana ay arooskiisa minyarada timaaddo.

Dadka doodda gabadhan la xidhiidha rayigooda ka dhiibanayey ayaa ay qaarkood si gaar ah hoos uga xariiqayeen quruxda gabadhan iyo in aanay da’ ahaan weynayn, halka kuwo aqoon u lihina ay sheegeyeen in ay tahay gabadh aad u garaad badan oo deggen. Ra’yi bixiyeyaashu waxa ay isku waafaqsanaayeen in ay tahay gabadh dhiirran oo muujisay ragannimo, maadaama oo ay awoodday in ay mawqifkan adag ee soo waajahay ku qaabishay deggenaan garaadbadni laga dheehanayo.

Dad goobjoog ahaa munaasabadda arooskan xiisaha gaarka ah yeeshay ayaa sheegay in gabadhani ay soo gashay madashii xafladda aroosku ka socotay oo ay arooska iyo afadiisa cusubi fadhiyaan, kadibna inta ay si deggen u soo socotay soo fuushay masraxii oo ay si diirran u hambalyeysay saygeeda iyo dangaladeeda. Gabadhan oo si aad u heersarraysa u soo labbisatay ayaa tahniyadda kadib fadhiisatay kursi yaallay ninka dhinaciisa kale. Waxaa la arkayey ninkii oo amakaag iyo u qaadan waa isku dhex daatay oo dareen leh inta uu soo qabsaday madaxa minweynadiisa dhunkasho kala daalaya, marna kooxaha sawirqaadayaasha ka dalbanaya in ay sawirro ka qaadaan isaga iyo labadiisa afo ee hareero fadhiya.