Xatooyo Darteed Ayaa Geed Qudhaanjo Leh Lagu Xidhay, Laakiin Markii Ay Dhimatay Ayaa La Ogaaday In Aanay Tuugo Ahayn

0
1045

Sucre (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Booliifiya (Bolivia) oo lagu tuhmay in ay gaadhi xadday ayaa dhimatay kadib markii ay dhawr saacadood ku xidhnayd geed qudhaanjo leh oo dadka deegaankeedu ay ku ciqaabeen. In kasta oo uu booliisku isku dayey in uu badbaadiyo gabadhan 52 sano jirka ahayd, haddana ma’ay noqon oo waxa ay geeriyootay markii ay waqti gaaban ku jirtay cisbitaalka.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in gabadhan neefsigu ku adkaaday kadib markii barar xadka ka baxsan oo cunaha ahi uu xidhay neefmareenkii. Bararka sababtiisu waxa ay ahayd qudhaanjo sun leh oo inta ay afka ka gashay hunguricadka ka qaniintay.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay goobta lagu ciqaabay u timi in ay badbaadiso wiilkeeda oo markii hore ay geedkan ku xidheen kooxo dad aad u cadhaysan ah oo wiilka ku eedaynayey in uu isku dayey in uu mid ka mid ah gawaadhidooda xado. Inan ay dhashay gabadha la ciqaabay ayaa iyadana ciqaabtan oo kale la mariyey, laakiin imika iyada iyo walaalkeed oo ka weyniba waa ay ka bogsadeen nabarradii ay qaniinyada qudhaanjadu soo gaadhsiisay. Warbixinno deegaanka falkan foosha xumi ka dhacay ka soo baxayaana waxa ay sheegayaaan in saddexda ruux ee is dhalayba si arxan darro ah loo ciqaabay, jidhkoodana meelo kala duwan laga gubay.

Shabakadda wararka ee Alcarabiya oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa faafisay sawirka laba ka mid ah dhibbanayaashan oo indhaha inta laga xidhay dhabarka labadible loogu xidhay jirridda geedka qudhaanjada khatarta badani deggen tahay. Waxa sawirka ka muuqda dad daawanaya ciqaabtan oo ay ka mid yihiin gabadh ilmo yar sidata iyo arday yar oo masaafad aad u yar u jira.

Taliyaha booliiska deegaankan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bilowgii ay badbaadiyeen saddex qof ee la ciqaabayey, laakiin mid ka mid ah oo ahayd gabadh 52 sano jir ah ay xaaladdeedu aad u cuslayd markii ay meesha ka qaadeen, galabnimadiina ay cisbitaalka ku geeriyootay.

Dhinaca kalana qareenka qoyskan la dhibaateeyey ayaa sheegay in loo malaynayo in qudhaanjadii geedka ku jirtay mid ka mid ahi si uun afka uga gashay, kadibna ay ka qaniintay hunguri cadka, taasina ay keentay nabar iyo barar xidhay xidhay hunguriga oo dhan, neefsigiina ka xidhay.