Maxamed Iyo Caa’isha 62 Sano Ka Hor Ayey Is Guursadeen, Laakiin Toddobaadkii Hore Ayaa Ay Qabsadeen Xafladdii Arooskooda … Waa Maxay Sababta, Ay Dib Ugu Dhigeen?

Published on Jan 23 2018 // Googooska Geeska

Kuala Lampur (Geeska)- Waa qiso jacayl oo run ah, laakiin sida filimada ku bilaabatay caqabado iyo kala fogeyn, laakiin ku dhammaatay qosol iyo farxad, iyo Caasha oo 62 sano kaddib, xidhatay taashkii arooska.

57 sano ka hor oo ahayd sannadkii 1955 kii ayaa uu Maxamed ku guulaystay in uu la tago gabadh uu jeclaa, oo uu ku qanciyey in ay raacdo, kaddib markii uu qoyska inantu diiday in ay is guursadaan. Maxamed oo maanta 82 sano jir ah, ayaa si dareen leh u xasuusan dharaarahaas xiisaha badnaa. Waxa uu markaas ka shaqayn jiray moofo, waxa aanu wargeyska Khabartork ee ka soo baxa dalka Malaysiya u sheegay in maalintii uu Caasha la tegeyey ay jeebkiisa ku jireen keliya 25 shilin oo lacagtii markaas la isticmaalayey ahayd, lacag aad u yarna ahayd. Waxa uu sheegay in Caasha aanay markaas jacay badan isaga u qabin, laakiin ay ku qanacsanayd in ay is guursadaan. “Laakiin waxa aan ku guulaystay in aan ku qanciyo in ay i guursato, oo kol haddii la isu kaaya diiday aanu isla tagno” ayaa uu yidhi Maxamed.

Caasha oo hareer taagan ayaa iyaduna marka ay xasuusato sidii wax u dhaceen maalintaas ay isla tagayeen, waxa ay odaygeeda ku waafaqday in aanay aad u jeclyan, laakiin uu ku guulaystay in uu ku qanciyo guurkooda. Markii ay qoysku isu diideenna inta uu gacanta qabtay uu la baxsaday.

Caasha oo maanta 78 sano jir ah ayaa ka sheekaysay halka ay u baxsadeen, “Haneen dhan ayaa aanu gudaynay, oo keymaha dhex maraynay. Waxa aanu helnay guri keynta ku yaallay oo laga guuray, kii ayaanu degnay oo maalmo sii deggenayn”

Caa’isha oo ka sheekaynaysay duruufihii bilowgiiba ka hor yimi iyada iyo Maxamed, oo ahaa reer magaal aan la aqoon nolosha qarfaha ah, ayaa tidhi, “Waxa aanu shidi garan weynay dab.  Cunto iyo cabbitaan midna ma’aanu haysan. Muddo saddex maalmood ah oo is xiga ayaanu noloshaa adag ku jirnay, oo aannaan cunto cuni. Markii aanu ku guulaysannay in aanu dab shidanno, haddana cunto ayaa aanu weynay. Ugu dambayntii waxa aanu keyntii ka dhex helnay goob barashadu ka baxdo. Baradhadii ayaanu gurannay oo inta aanu karsannay aanu cunnay”

Gaajada haysay awgeed barashadii waxa ay la yeelatay dhadhan aad u macaan iyada oo arrintaas ku kaftamaysana waxa ay Caa’isha tidhi, “Maxamed illaa maanta ayaa aanu illaawin dhadhankii macaanaa ee baradhadaas, aniga qudhayduna weli waa aan xasuustaa” Iyada oo is barbar dhigaysa maanta iyo xusuustaas jacaylkii dhalinyaronimo waxa ay Caa’isha tidhi, “Ilaahay baa mahadleh, maanta waxa aanu haysanna lacag iyo dahab, waxa aanu haysanna wax kasta oo noloshu u baahan tahay, laakiin waxa aanu si dhab ah ugu baahannay waa tagtadii iyo wixii aanu soo marnay, waayo maanta waa aanu gabownay oo aanu bukaan noqonnay”

Caa’isha iyo Maxamed 25 maalmood markii ay keynta ku dhuumanayeen kaddib ayaa la soo helay. Caa’isha aabaheed ayaa tanaasulay oo ogolaaday in ay guursato ninkan ay doonayso, kaddibna inta ay ku soo noqdeen ayaa uu isu hibeeyey. Laakiin xaflad aroos ma’ay dhigan, Caa’ishina ma’ay xidhan taashkii arooska. Sida ay sheegtayna waxa ay muddadaas dheerba tebeysay in aanay sida hablaha qayrkeed ah, maalintii arooskeeda xidhan taash. Toddobaatan jir aanu caafimaadkeedu fiicnayn ayaa ay noqotay, odaygeeduna sidaas oo kale. Waxaa labadoodabal a geeyey goob lagu daryeelo dadka waayeelka ah oo ay leedahay dawladda hoose ee degmada Tawsaala ee dalka Malaysiya.

Nasiibwanaag dadkii ku jiray xaruntan iyo maamulkii ayaa maqlay qisadan lammaanahan, waxa aanay sheekadii gaadhay duqa magaaladan oo go’aan ku gaadhay in uu Caa’isha u rumeeyo riyadeedii ahayd in ay mar uun xidhato taashka arooska. 62 sano kaddib,  ayaa ay timi maalintii ay Caa’isha madaxa saaran lahayd taashka arooska, gacantana ku qaado ubax. Maxamed ayaa isna soo xidhay labbiska aroosyada, dadka xafladda ka soo qaybgalayna waxaa ka mid ahaa afar carruur ah oo ay dhaleen iyo 13 carruur ah oo isagu jira kuwo ay sii dhaleen iyo kuwo ubadkoodu dhaleen oo iyagu awoowyo iyo ayeeyooyin u noqonayaan.

Aroos cusub iyo xaflad aad u xiise iyo farxad badan ayaa u dhacay, waxaa marti sharafta ka mid ahaa duqa magaalada ee kharashka bixiyey, Caa’isha ayaa iyada oo dhoolla caddaynaysa kor u lushay shahaadadii guurkooda. Laakiin khajilaad badan ayaa wejigeeda laga dareemay markii odaygu uu aad ugu talaxtegey ka sheekaynta jacaylka uu u qabo, dadka aad ugu fiirsanayeyna waxa ay arkayeen Caa’isha oo lugta kaga istaagaysa odaygeeda, si ay ugu baraarujiso in uu soo gaabiyo sheegashada jacaylka u uqabo. “Ilmahan aan xambaarsanahay ayeey ayaa aan u ahayn, inantayda waa la qabaa, oo waa tan i garab taagan, gudaha hoolkan aan ku socdana waxaa ku aroos ah aniga hooyaday” sidaa waxaa tidhi gabadh ay dhashay Caa’isha oo xafladda ka soo qayb gashay.

Markii ay xafladdan xiisaha badani dhammaatay, waxa ay lammaanaha dib isu aroosay fuuleen gaadhigooda oo loo sii diyaariyey, aadna loo qurxiyey, waxa aanay u baxeen safar gaaban oo ay ku tegeyeen meel ay ku soo wada toddoba baxaan, kaddib markii uu duqa magaalada ugu bishaareeyey in uu isagu bixinayo kharashka bil ay labadoodu nasasho aroos ku soo wada qaataan.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!