Magacyada Dalalka Adduunka Loo Bixiyo Badankooda Waxaa Lagu Saleeyaa Afar Arrimood

Published on Oct 28 2017 // Googooska Geeska

London (Geeska)- Inta badan dadku isma weydiiyaan asalka magacyada dalalka loo bixiyo iyo macnaha ku duugan, ama waxa uu magacaasi faa’ideynayo iyo halka uu taariikh ahaan ka soo jeedo.

Cilmibaadhis ay samaysay shabakadda Carters oo si gaar ah loogu eegay magacayada 195 dal iyada oo tixraaca ugu horreeya ee magacyadan macnahooda laga eegay uu ahaa qaamuuska Oxford, ayaa natiijada ka soo baxday ay noqotay in ay jiraan afar sababood oo waaweyn oo ah kuwa jaangooya magacaabista dalalka.

Sababahaasi waxa ay yihiin:

  1. Juqraafi: Dalal badan magacoodu waxa uu ku salaysan yihiin deegaanka ay ku yaallaan iyo halka ay ka dhacaan juqraafi ahaan adduunka ama qaaradda ay ka tirsan yihin. Tusaale ahaan Koonfur Afrika waxaa magacan loogu bixiyey halka ay ku taallo, waxaa la mid ah Kuuriyada woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed. Dalka Norway macnihiisu waa jidka woqooyi. Halka Ustareeliya macnaheedu ka yahay ‘Koonfur’ magacaas oo qarnigii 17 naad baxay ayaa ahaa mid lagu calaamadinayey in Ustareeliya ay dunida ka go’antahay jihadaasna xigto, kaas oo ah magac leh taariikh dheer oo uu ku baxay.
  2. Qaabka dhuleed ee dalka: Qaabka uu dalku u yaallo marka khariiradda laga eego iyo muuqaalkiisa ayaa isna ka mid ah sababaha magaciisa lagu saleeyo, waxaa iyaduna ka mid ah qabiilooyinka asalka u leh degenaanshiyaha dalka ama isirka lagu tiriyo. Dalalka magacu sababtan ugu baay waxaa ka mid ah Aljeeriya oo magaca ay sidato asalkiisu ka soo jeedo Jasiirad. Magacan ayaa marka hore la odhan jiray caasimadda dalkan Aljeris oo macnaheedu yahay jasiirad, aakhirkiina dalka oo dhan ayaa loo bixiyey, dalalka kale ee qaabkooda dhuleed magaca ku qaatay waxaa ka mid ah, dalka Costa Rica oo macnaheedu yahay xeebtii hodanka ahayd.

Dalalka magacoodu qabiil ku sal leeyahayna waxaa ka mid ah Faransiiska. Sida ku cad qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Sky News, magacan Faransiis waxaa iska lahaa mid ka mid ah qabiilooyinkii degi jiray dhulka hadda Faransiisku ku yaallo oo la odhan jiray Frances. Dalka Talyaaniga ayaa isna magaciisa laga soo dheegtay qabiil lagu magacaabo Fitaali oo ka mid ah dadkii ku abuurnaa asalkii hore ee dalkan.

  1. Tilmaamaha dadka deggen dalka: Magaca dalka Papua New Guinea waxa uu ka kooban yahay laba kelmadood oo tilmaamaya qaabka deegaanka dalka, kelmadda hore waa Papua oo macnaheedu yahay tilama adag (Jurrada ah), iyo kelmadda labaad ee Guinea oo macnaheedu yahay marriin, oo looga jeedo midabka dadka. Magaca qaybta dambe ee Guinea waxaa bixiyey sahamiyihiin Faransiiska ahaa ee Yennigo De Ristu oo isagu dalkan helay, sababta uu u raaciyey New oo macnaheedu yahay cusub ayaa ah in uu tilmaamayey in uu yahay dal cusub oo dad Afrikaan ahi ku nool yihiin.
  2. Magac ka soo jeeda qof taariikh ku leh dhulka uu dalkani ka jiro: Sababta afaraad ee magacyada dalalka loo raaco ayaa ah in loogu magac daro shakhsiyaad taariikhda dhulkaas muhiimad gaar ah ku leh.

DAlalka habkaas uu magacu ugu baxay waxaa ka mid ah dalka Philippine, oo magaciisu ku abtirsado boqor qarnigii Lix iyo tobnaad ka talin jiray dalka Isbayn oo lagu magacaabo Filib kii labaad. Dalka Bolivia ayaa isagana uu magaciisu ka soo jeedaa nin lagu magacaabi jiray Simon Bolivar oo ahaa hoggaamiye siyaasi iyo milateri ah oo kaalin hoggaamiyenimo ku lahaa aasaaska dalalka Venezuela, Bolivia, Colombia, Ecaudor, Peru iyo Panama, waxa aanu kaalin mug leh ka qaatay jidkii ay dalalkani gobannimada kaga qaateen xukunkii gumayste ee Isbaanisha.

Waxa kale oo aynu xusi karnaa dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, oo magaciisu ka soo jeedo magaca qoyska reer ‘Sacuud’ oo ah boqorkii lahaa aasaaska boqortooyada illaa haddana tarantiisii talada dalka hayso.

Waxaa iyaduna xusid mudan in magaca Ameerika uu asal ahaan ka soo jeedo magaca sahamiyihii helay dhulkan oo ahaa Talyaani lagu magacaabi jiray Amerigo Vespucci.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!