Madaxweyne Erdogan Oo Wariye La Socday Ka Dalbaday In Uu Wacad Qoraal Saxeexan Ah Ugu Maro Joojinta Sigaarka

0
527

Ankara (Geeska)- Haddii aad ka mid tahay dadka caadada ka dhigtay sigaar nuugsita, isla markaana aanad weli diyaar u noqon in aad iska joojiso caadadaas dhaqanka iyo caafimaadkaba u xun, iska jir in aad la kulanto madaxwdeynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, waayo kaa tegi maayo illaa aad wacad ku marto in aad joojinayso sigaar nuugsita, weliba waxa uu kaa rabaa wacad qoraal ah oo suul iyo saxeex leh.

Arrintani waxa ay ku dhacday Naazila Tashliik oo ka mid ahayd dadkii madaxweynaha ku wehelinayey diyaaraddiisa, markii uu salaasadii dorraad 28 Feebarweri ku sii jeeday dalka Baakistaan oo uu kaga qayb galayey shir-madaxeedkii saddexaad ee ururka Iskaashiga dhaqaalaha (ECO) oo ka dhacayey magaalada Islamabad ee xarunta dalka Baakistaan.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska Yeni Shafak oo ka soo baxa Turkiga ayaa lagu sheegay in madaxweyne Erdogan mar uu diyaaradda dusheeda ugu warramayey warfidiyeenka wehelinayey uu si kedis ah baakidh sigaar ugu arkay warfidiyeenka caanka ah ee Naazila oo sannadkii 2016-ka dalka Turkiga looga aqoonsaday wariyaha sannadka. Erdogan waxa uu baakidhkii sigaarka ahaa ka qaaday gacanteeda, kadib waxa uu ka codsaday in ay sigaar nuugista iska deyso, si ay caafimaadkeeda u ilaashato. Intaas kuma uu joogsan Erdogan ee waxa uu Naazila ka codsaday in ay qoraal ugu caddayso wacadkeeda ah in aanay sigaarka dib u nuugi doonin. “Waa aan iska daayey sigaar nuugistii” ayaa ay Naazila ku qortay warqad ay magaceeda iyo saxeexeeda ku dhigtay, kuna caddaysay taariikhda, ay qortay oo dabcan ahayd isla maalintaas, kadibna waxa ay u dhiibtay madaxweyne Erdogan oo sida looga bartay, muddo marka uu joogo ka soo war dooni doona si uu u hubiyo in ay wacadkii weli ku jirto.

Madaxweyne Erdogan ayaa intii muddo ahba ku jiray dagaal adag oo ka dhan ah sigaar nuugsita, cid kasta oo caadadan leh oo uu la kulmana waxa uu ku dadaalaa in uu ballan qoraal ah kaga qaado in sigaarka ay joojinayso, xitaa suuqyada, jidadka, iyo masaajidda ayaa uu madaxweynuhu ol’olihiisaa ka wadaa.

Dagaalka Madaxweyne Erdogan ee sigaar nuugista ka dhanka ahi kuma koobna gudaha dalka Turkiga iyo dadkiisa, balse xitaa madaxda shisheeye ee uu la kulmo, ayaa uu ka waaniyaa sigaar nuugissta. Madaxda uu ol’olihiisu gaadhayna waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Bulgaria Daniel Mitov oo mar ay sannadkii hore ka wada qaybgaleen shir-madaxeedka Gaashaan-buurta NATO oo ka dhacayey magaalada Warsaw ee dalka Poland. Erdogan ayaa xilli nasasho yar lagu jiray waxa uu arkay wasiir Mitov oo u dhaqaaqay goob sigaar nuugista loogu talogalay, kadib inta uu ka daba tegey, ayaa uu ka codsaday in uu sigaar nuugsita iska joojiyo, oo weliba warqad qoraal ah ugu saxeexo ballan-qaadkiisa joojinta sigaarka. Tirokoobyo hore ayaa muujiyey in dalka Turkigu uu yahay ka tobnaad ee dadkiisu ay ugu sigaar nuugis badan yihiin dunida oo dhan.