Talefanno Ku Shaqaynaya Adeegga 5G Oo Markii Ugu Horreysay Dunida Ay Suurtogelisay Shirkad Shiine Ahi

0
585

Beijing (Geeska)- Shirkada caanka ah ee ee soo saarta talefannada, ZTE oo xarunteedu tahay dalka China ayaa soo saartay  talefanno casriya oo ah nooca loo yaqaanno Gigabites. Talefannadan ZTE oo ku shaqaynaya adeegga 5G ayaa leh xawaare aan aad looga baran talefannada gacanta oo gaadhaya illaa 1 Gigabites / Ilbidhiqsigii.

Shirkaddan Shiinaha ah oo ay leeyihiin dadyow kala jinsiyado ah, ayaa hadda ka qaybgalaysay shirkii caalamiga ahaa ee shirkadaha dunida ee talefannadann gacanta, MWC oo ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Isbayn.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in talefankeeda ZTE Gigabytes uu saddex laab ka awood badan yahay dhammaan talefannada casriga ah ee dunida maanta lagu isticmaalo, wax yaabaha ku cusub ee uu dheer yahay talefannada kalana ay ka mid tahay farsamada casriga ah ee ay ku shaqaynayso kamaraddiisa fiidyowgu,  iyo sidoo kale awoodda uu u leeyahay in uu xogta qofka Internet ka ugu kaydiyo.

Shirkaddu waxa ay xaqijisay in talefankeedan cusubi aanu ahayn oo keliya wax ku cusub dunida war-is-gaadhsiinta, balse uu sidoo kalana awood u leeyahay in uu internet ka ku xidhmo si loo isticmaalo iyada oo aanau talefanka culays ku keenayaan.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in farsamada 5G ay ka mdi tahay waxyaabaha ugu mudan ee ay talefankeedan u samaysay, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay diyaar u tahay in dawladaha ay iskaashi kala samayso fududaynta in tiknoolajiyaddani ay sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogal ah dadka u gaadho.