Hooyada Uurka Leh Oo Aanu Jidhkeedu Helin Fallaadhaha Qorraxdu Waxa Ay Khatar Gelinaysaa Ilmaha Ay Siddo

23
3099

Qatar (Geeska)- Dhakhtar Turki ah ayaa sheegay muhiimadda ay fallaadhaha qorraxdu u leeyihiin caafimaadka jidhka bani’aadamka oo ka hela Faytamiinka “D” iyo faa’iidooyin kale oo badan.

Bare-sare Bolant Awrmaan oo madax ka ah qaybta xanuunnada dumarka iyo dhalmada ee xarunta caafimaadka ee Wahbi Qawj ayaa mar uu u warramay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool, waxa uu ku sheegay in ay jiraan cilmibaadhiso badan oo lagu sameeyey Faytamiin ‘D’ laguna ogaaday in jidhka oo uu ku yaraadaa ay keento khataro ay ka mid yihiin dumarka uurka leh oo dhiciya ama sidkooda oo aan go’in dhala.

Dr. Bolaant waxa uu sheegay in cilmibaadhistani ay xaqiijisay in Faytamiin ‘D’ oo jidhka ku yaraadaa uu sida oo kale badiyo khatarta ah in gabadha uurka leh uu ku dhaco waxa loo yaqaanno ‘Mariidka uurka’ ama sumowga uurka oo ah xaalad ku dhacda hooyada uurka leh oo keenta dhiigga oo aad kor ugu kaca iyo barootiin soo raacda kaadida. Haddii aan sida ay tahay loo daweyn mariidka waxa uu keeni kartaa khatar weyn, oo gaadhsiisan illaa heer uu ilmaha uurka ku jiraa dhiman karo.

Dhakhtarku waxa uu caddeeyey in fallaadhaah qorraxda oo jidhka ku dhacda 20 illaa 30 daqiiqo maalintii ay ku filan yihiin in ay jidhka siiyaan xaddiga uu u baahan yahay ee Faytamiin ‘D’ ah. Dhakhtarku waxa uu xujadiisan ku xoojiyey halkudheg afka Turkiga ku jira oo yidhaahda, “Guriga aanay qorraxdu soo gelin, dhakhtarka ayaa soo gala” Isaga oo ku taliyey in ay lagama maarmaan tahay in aan laga fogaan fallaadha qorraxda, si qofku u helo caafimaad fiican. Waxa se uu haddana ka digay in qofku uu qorraxda fallaadhaheeda muddo dheer isu dhigo, si aanu ugu dhicin cudurka kansarka maqaarka ku dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here