Hillary Clinton Oo Sheegtay Xilka Ay Odaygeeda U Magacaabi Doonto Haddii Ay Madaxweyne Noqoto

0
812

ddddWashington (Geeska)- Warbaahinta Maraykanka ayaa baahisay in murashxa xisbiga Dimuqraaddiga ah gudihiisa uga tartamaysa murashaxnimada madaxweyne ee dalka Maraykanka Hillary Clinton, haddii ay madaxweyne noqoto ay odaygeeda Bill Clinton u xil saari doonto shaqada ah soo noolaynta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka Maraykanka.

Hillary Clinton oo 15kii bishan May ka hadlaysay fagaare ka mid ah fagaarayaasha ay taageerayaasheeda kala hadlaysay waxa ay ku caddaysay xilkan ay odaygeeda la doonayso iyo weliba in sababta ay ugu dooratay tahay waayo-aragnimadiisa, waxa aana hadalladeeda ka mid ahaa, “Odaygayga oo aan u xilsaari doono soo noolaynta dhaqaaluhu, sida aad ogtihiinba, waayo-aragnimo iyo aqoon fiican ayaa uu u leeyahay shaqadaas fulinteeda”

In kasta oo ay Hillary Clinton si dadban u caddaysay in xilka ay odaygeeda u dhiibaysaa aanu ahayn mid masuuliyad qaran oo rasmiya ah, balse uu yahay uun mansab la mid ah la’ taliye ama in ay la’ tashato, hoostana ka xariiqday in doorkiisa rasmiga ahi noqonayo, sida ay u tidhi, “Sayga koowaad/Ninka koowaad ee loogu ixtiraamka badan yahay Maraykan ayaa uu noqonayaa” haddana waxa ay ku celcelisay in Bill Clinton uu ka masuul noqon doono doorka horumarinta iyo kobcinta dhaqaale ee Maraykanka, “Waayo waxa uu hayaa fikrado iyo aqoon ka badan cid kasta oo kale oo aan anigu garanayo” ayaa ay tidhi.

Hilary Clinton oo weli sii wadda ammaanta odaygeedu waxa ay sheegtay in uu sidoo aqoon fiican u leeyahay goobaha dhuxul dhagaca iyo macdanaha laga helo ee dalka Maraykanka, deegaannada ay ku dhaqan yihiin qawmiyadaha laga tirada badan yahay, iyo magaalooyinka iyo meelaha kale ee dalka ka mid ah, ee aan hadda kah or helin daryeel iyo danayn ku filan.

Warkan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa uu intaas ku darayaa in Hillary Clinton oo hadda u muuqata in ay rasmi u noqonayso murashaxa xisbigeeda Dimuqraaddiga, doorashooyinka bisha Noofambar ee sannadkanna ay iswaajahi doonaan murashaxa hadallada qaawan ee Donald Trump oo isagu si rasmi ah uga soo baxay xisbiga Jamhuuriga, waxa aana jirta rajo badan oo laga qabo in ay doorashadaas ku guulaysato Hilary Clinton, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigi doonta gabadhii taariikhda Maraykan ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka, halka odaygeeda oo hore madaxweyne aad loo jecelyahay u soo noqdayna uu noqon doono sayga koowaad ee Maraykanka, kaas oo ah magac aan hortii laga maqal dalka Maraykanka.