Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 19aad)

0
1068

hhhhDhibta uu keenay degdeggaa Obama warka u sheegay iyo sida uu u kallifay in la sameeyo beeno kale oo qaarkood markiiba fashilmeen waxa uu sarkaalka hawlgabka ahaa yidhi, “Haddii madaxweynuhu uu warka u sheegi lahaa sidii hore la isugu ogaa oo uu qaadan lahaa sheekadii samayska ahayd ee la isla ogaa, looma baahdeen in la sheego beenta kale ee ah saacadod gudahood dilkii Usaama kadib ayaa ay dhacday munaasabaddii jinaasadiisuna. … markii sheekadii lagu gabbanayey ee beenta ahayd fashilantay, geeridii Usaamana dadka loo sheegay, Guriga Cad waxaa soo waajahday dhibaato khatar ku ah oo ka dhalanaysa su’aasha ah, “Mee maydkii Usaama?” Dunidii oo dhami waa ay ogaatay in ciidamada Maraykanku ay Usaama bin Laadin ku dileen guri ku yaalla magaalada Tamashlaha loo tago ee Abbottabad, balse waxaa la sugayey in maydkii la soo bandhigi doono. Guriga Cad waxaa hor timid maxaa aynu samaynaa haddaba? Waxaa laga rabaa in ay soo bandhigaan maydkii oo weliba hilbihiisu ay isu dhan yihiin, oo sida ay sheegeen xaaladdiisu tahay xaalad DNA laga qaadi karo ama askari hareer jiifsan karo si uu isugu dhereriyo.

Waxa ay u muuqataa in saraakiisha ciidamada badda ay ka timid fikradda ah in dadka loo sheego in Usaama Bin Laadin badda lagu xabaalay. Waa fikir fiican, oo wax lagu dambabasi karayey. Iyada oo aanu maydba Markabka saarnayn ayaa haddana la qabtay jinaaso la waafajiyey shareecada Islaamka, dadkana si aad u faahfaahsan ayaa loogu sharraxay qaabka shareecada waafaqsan ee loo sameeyey aaska, laakiin haddana markii ay noqotay in faahfaahin dheeraad ah loo baahday, waxaa la qariyey dhammaan xogtii arrintan la xidhiidhay oo xitaa la jebiyey sharcigii dalka u yaallay ee ogolaanayey in muwaadinku xaq u leeyahay in uu xogta heli karo, waxa aana lagu marmarsooday in xogtani ay khatar ku tahay amniga Qaranka.

Waxa ay ahayd marmarsiinyo iyo raad-gadasho liita oo aan xitaa si cilmiyeysan loo soo dhisin. Haa, waa run in ay markaas xanuunka dhibaatadan ka haystay ka qaboojin karaysay maamulka Guriga Cad, laakiin haddii in yar wax la iska sii weydiiyo ama la dhadhansado hadalkan, si fudud ayaa ay beenta la sameeyey u kala daadanaysay. Sida muuqata xitaa markii hawlgalkan ay gelayeen ciidamada SEALS si ay u dilaan Usaama, ma’ uu jirin wax qorshe ah oo la isku ogaa oo sheegaya in maydka badda lagu rido, ama in munaasabad jinaaso loogu qabto badda dhexdeeda. Sarkaalka hawlgabka ah ee xogtan bixiyeyna waxa uu yidhi, “Haddii aynu rumaysanno hadalladii bilowgiiba ka soo baxay ciidamada SEALS ee guriga Usaama weeraray, waxaa inoo muuqanaysa in aanu jirinba wax badan oo ka soo hadhay hilbihii Usaama oo badda lagu ridaa”

* * *

Lama huraan ayaa ay ahayd in beenaha, hadallada weecsan iyo khiyaamooyinka maamulka Obama ay sababaan dareen celin gadood ah. “Afar sano ayaa uu hakad galay iskaashigayagii” ayaa uu yidhi sarkaalka hawlgabka ah oo ka hadlayey sida tallaabadan uu Maraykanku ku wacad furay sirdoonka Baakistaan ay u sababtay in labada dal iskaashigoodii dhinaca amniga iyo milateriga aad hoos ugu dhaceen. Isaga oo intaas ku sii daray, “Muddo aad u dheer ayaa ay qaadatay in Baaksitaan ay mar labaad na aaminto, gaar ahaan dhinaca iskaashiga milateriga labada dal ee dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” Weliba sida uu sarkaalkani sheegayo xidhiidhkan xumaanshiyihiisu waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo argagaxisadu ay dunida oo dhan ku soo kordhayso.

Baakistaantu waxa ay isu arkeen in Obama uu ku guuray oo markii dantiisii uu ku gaadhayna uu dhabarka u jeediyey, waxa aanay taas caddayn u haystaan sida uu ugu wacad furay maamulkiisu ee wixii labada sirdoon isku ogaayeen oo dhami biyo col dhaanshay u noqdeen. Si kastaba ha ahaato ee sarkaalka hawlgabka ah waxa uu sheegay in xidhiidhkaasi uu mar dambe dib u soo noqday, gaar ahaan afar sano oo kala shaki ah kadib, iyada oo weliba markan dambe ay Baakistaan dabada ka wadday in uu xidhiidhku dib u soo noolaado.  La soco……