Haddii Adiga Oo Slovakia Jooga Lagaa Maqlo Ereyga Ingiriis (Britain) Waxa Lagu Ganaaxayaa 7 Kun Oo Doolar

0
630

Bratislava (Geeska)-  Ma ogtahay in ereyga ‘Great Britain’ aan laga isticmaali kari dalka Slovakia, haddii qof lagu maqlo isaga oo ku dhex isticmaalaya xarumaha dawladda ama goobaha shaqadana uu ka yaallo xeer-ciqaabeed dhigaya ganaax lacageed oo u dhigma 7200 oo doolarka Maraykanka ah.

Wakaaladda wararka Maraykanka ee AP ayaa war uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ku sheegtay in Hay’adda Qaranka ee Kala xadaynta, khariiradaha iyo tirokoobka ee dalka Slovakia ay warbaahinta dalkaas gaadhsiisay digniin ay ku sheegayso in sida uu dhigayo xeer la ansixiyey sannadkii 1995-kii, ay waajib tahay in marka ay sheegayaan dalka Ingiriiska oo ka kooban, England, Scotland, Wales iyo Woqooyiga Ireland ay isticmaalaan magaca ‘Boqortooyada Midowday ee Ingiriis weyne iyo Woqooyiga Ireland’ haddii kale ay isticmaalaan ‘Boqortooyada Midowday’ oo loo soo gaabin karo UK oo keliya. Xeerkaas ayaa si cad u mamnuucaya in la isticmaalo ereyga ‘Britain’ oo ah magaca aalaaba loogu yeedho dalka Ingiriiska ama ‘Great Britain’ Ingiriis weyne.  Waxa aanay hay’addo digniinteeda ku sheegtay in ay diyaarinayso duruus, muxaadarooyin iyo tababarro ay dadka ay khusayso ee dalkeeda ku barays magacyada saxda ah ee ay isticmaali doonto, ka hor inta aan lagu dhaqan gelin ganaaxa lacageed ee saaran qofka isticmaala magac aan sharcigu ogolayn.

Arrinta xiisaha leh ee sharcigan ku jirta ayaa ah in xitaa dadka Ingiriiska ah ee ka shaqaynaya safaaradda Ingiriiska ee ku taalla caasimadda Bratislava ee dalka Slovakia, ay magacan ku isticmaalaan qoraalalda ay kula xidhiidhayaan hay’adaha dawladda Slovakia ama warbaahinta iyo ciddii kasta ee xidhiidh dhex marayo ee dalka gudihiisa ah, waxa kale oo isticmaalka magacyadani uu manuuc ka yahay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Slovakia.

Sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Independent ee ka soo baxa Ingiriiska, Peter Sussko oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Slovakia ayaa isaga oo ka hadlaya arragtidooda la xidhiidha amarkan cusub waxa uu sheegay in wasaaraddoodu marka ay waraaqaha rasmiga ah qorayso iyo xidhiidhadeedaba u isticmaasho magaca la ogol yahay ee ah ‘UK’ Boqortooyada midowday, laakiin ay dhacdo marar in ay magacyada kale ee la mamnuucday isticmaali jirtay keliya marka ay doonayso in ay dadka caadiga ah la xidhiidho, si magaca ay yaqaannaan dadkaasi loo isticmaalo.

Ereyga ‘Great Britain’ Ingiriis weyne ama ‘Britain’ Ingiriis oo keliyi, caadi ahaan ma’aha magac ay dawladi leedahay, balse waa magac ay lahaan jirtay jasiiradda ugu weyn jasiiradaha uu ka kooban yahay dalka Ingiriisku. Laakiin magacan ayaa caan noqday muddooyinan u dambeeyey oo ay si joogto ah u isticmaasho warbaahinta dunidu marka ay ka hadlayso Ingiriiska.