Haddii Aad Hore U Ogeyd In Jacaylku Indho La’ Yahay, Maantana Ku Darso Oo Miskiinku Waxba Ma Uriyo

0
796

Montreal (Geeska)- Hore ayaa loo sheegay in uu Jacaylku indho la'yahay, laakiin maanta waxa la ogaaday in aanu miskiinku indhoole oo keliya ahayn ee sidoo kalena aanu lahayn dareenka urta, gaar ahaan marka uu dumarka galo. Daraasad cilmiya mar sii horreysay soo baxday ayaa tilmaamtay in gabadha uu jacaylku si ba'an u haleelo aanu sankeedu urin wax aan ahayn urta iyo dhididka ninkeeda, (Ninka ay jeceshay). Kaba sii daran ee xataa ma’ awoodi karto in ay si fiican u kala saarto urta dhididka dadka kale xataa haddii ay yihiin caruurteeda ama waalidkeed.

Khubarada samaysay cilmi-baadhistan oo ka tirsan jaamacadda McGill  ee dalka Canada, ayaa intii ay wadeen tijaabooyinka iyo sahaminta daraasadda waxa ay si gaar ah dabagal iyo baadhitaan cilmi ah ugu sameeyeen labaatan dumar ah oo lagu ogaa in ay raggooda jacayl aad u sarreeya u hayaan. Dumarkan intii aan lagu samayn tijaabada waxa si cilmi ah loo baadhay heerka uu gaadhsiisan yahay jacaylka ay raggooda u qabaan, kadib waxa la isku daray urta dhididka rag aad u kala duwan oo qaarkood dumarkan uu ka dhexeeyo xidhiidh dhow, ama qaraabonimo iyo dhididkii ragga qaba, waxaana laga codsaday inay kala saaraan urta dhididkani rag iyo dumar ka ay tahay iyo inay ka soo dhex dooraan haddii ay ku jirto urta dhididka saygooda.

Natiijada soo baxday waxa ay noqotay in dumarkani ay garteen urta dhididka raggooda, sida ay khubaradu caddeeyeenna daraasaddan waxa kale oo ka soo baxay in hadba dhaqsaha ay gabadhu u garan karto dhididka ninkeedu uu ku xidhan yahay heerka uu gaadhsiisan yahay jacaylka ay u haysaa, isla markaana ay gaadhi karto heer aanay gabadhu garan haba yaraato ee ur kale oo aan ahayn ta ninkeeda. Daraasaddan oo uu Wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay warbixin ay mar hore soo saartay jaamacadda McGill oo xarunteedu tahay magaalada Montreal oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Canada, waxa lagu sheegay in natiijadan ay ka dhalanayso xikmad ah in gabadha aanu u cuntamin ama aanay hawaysan nin aan ahayn ninkeeda ay jeceshay.