Jilaa Filim Oo Dhintay Isaga Oo Jilaya Dhimasho

0
1013

Picture1Cammaan (Geeska)- Sawir-qaadayaasha shirkadda soo saaraysay filim carbeed oo Taxane ah ayaa argagax la kulmay kadib markii jilaa u dhashay dalka Urdun uu geeriyooday isaga oo jilaya dhimasho filimka ku jirtay. Masuuliyiinta sawir-qaadista ayaa sheegay in jilaaga geeriyooday uu sawirka ka hor u muuqday nin si dhab ah ay geeridiisii u soo dhowaatay, taas oo dhacday toddoba daqiiqo oo keliya markii laga joogay jiliddii dhimashada oo ahayd muuqaalkiisa ugu dambeeyey ee uu filimka ku lahaa. Xasan Abu Shaciirah oo ah abwaanka curiyey filimkan Taxanaha ah (Musal-sal) oo afka Carabiga lagu magacaabo “Ikhwatu-Ddammi” ayaa sheegay in naxdinta dhimashada jilaaga ay sii badisay waqtiga ay ku beegantay,  isaga oo ka waramaya qaabka ay ku imanaysay dhimashada uu jilayey ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Si fiican ayaa uu kaalintiisa u gutay una dhammaystay… Isaga iyo wiil filimka kula metelayey in uu dhalay ayaa jilayey Budhcadnimo. Waxa uu jilayey muuqaal ahaa Halyeeyga filimka (Actor-ka) oo ku soo ridayey rasaas uu u dhimanayo” Abwaan Abu Shaciirah oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii jilidda uu dhameeyey aanu wax daal ahi wejigiisa ka muuqdan. Kadib agaasimihii sawir-qaadista oo sawirka dhimashada qaadanayey ayaa ka dalbaday in uu cabbaar dhulka sii yaallo isaga oo ku leh, “Jiif illeen mayd baad tahay ee” markaasuu jilaaga geeriyooday ugu jawaabay, “Mayd run ah ma’ ihi” kadib agaasimaha farsamada ayaa mar kale ka dalbaday in uu kaco oo uu meel kale u wareego si sawirro kale oo dheeraad ah looga qaado dhimashada uu jilayo, laakiin toddoba daqiiqo kadib markii sawirkii la dhamaystiray oo ahayd salaasadii toddobaadkii ina dhaafay ayaa uu geeriyooday jilaagu.