Ereyo Quudhsi Lagu Tilmaamay Oo Uu Madaxweyne Trump Ku Yidhi Gabadh Warfidiyeen Ah Oo Su’aalo Weydiisay

26
3474

Washington (Geeska)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Turmp ayaa Aqalka Cad dhexdiisa ereyo quudhsi ah ku yidhi haweenay warfidiyeen ah joogtay shir jaraa’id oo uu qabtay.  Tobannaan warfidiyeen ah oo qalabkooda warfidintu markaas shaqaynayey ayaa goobjoog u ahaa markii uu Madaxweyne Trump gabadhan ereyadan ku lahaa.

Trump oo faahfaahinaya heshiiska ganacsi ee NAFTA oo dalkiisu hore ugula jiray Canada iyo Mexico laakiin uu sheegay in uu ka baxay.

Cecilia Vega oo ka socotay talefishanka ABC ayaa fursad u heshay in madaxweynuhu uu u ogolaado in ay su’aal weydiiso. Cecilia markii ay su’aasha farta u taagtay ee uu Trump u ogolaaday, ayaa intii aanay si fiican u istaagin, inta uu eegay dadkii hareera taagnaa waxa uu ku yidhi, “Waxaa ka muuqda in doorashada aan iyada doortay ay shoog ku noqotay” kaddib dadkii uu la hadlayey ayaa qoslay.

Cecilia oo aan dareen cadho leh muujin ayaa markii ay istaagtay hadalkeeda ku bilawday, “Ilama aha in aan shoog qaaday, mahadsanid Mudane Madaxweyne” Trump halkaas kuma uu joogsan ee mar kale ayaa uu haddana gabadhii ku yidhi ereyo kale oo loo qaatay xaqiraad labaad, waxa aanu yidhi, “Waa hagaag, waa aan ogahay in aanay adiga sidaas kula ahayn, waxbaba adiga kulama noqoto”

Haweenayda warfidiyeenka ah oo sida muquata dooratay in aanay ereyadan madaxweynuhu ka duwin tubta ay ku socotay ayaa weydiisay su’aal la xidhiidha Brett Kavanaugh oo ah ninka uu Trump u doortay in uu noqdo guddoomiyaha maxkamadda sare. Laakiin markii ay su’aashii bilowday ayaa uu mar kale Trump hadalka ka dhexgalay, isaga oo ku leh, “Waraaqahan i horyaalla kuma arko wax khuseeya Kavangaugh” Trump waxa uu doonayey in uu haweenaydan u sheego in aanu diyaar u ahayn in uu ka hadlo wax ka baxsan heshiiska NAFTA. Trump kama uu jawaabin su’aasha ay gabadhani doonaysay, ee la xidhiidhay garyaqaankan uu maxkamadda sare u doortay oo muran badan dhaliyey, laguna eedaynayo in uu hore dumar u fara xumeeyey.

Cecelia oo shirka jaraa’id kaddib arrintan kaga hadashay barta ay ku leedahay Twitter ka ayaa qortay, “Shir jaraa’id macnaheedu waa in waxa aad doonto weydiin karto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here