Dumar Furniinka Ku Xusa Xaflad Ay Ku Gubayaan Xusuusihii Qoysnimada Oo Toobkii Aroosku Ka Mid Yahay

0
700

Furniinka iyo burburku qoysku rag iyo dumarba waa u waayo-aragnimo aad ugu qadhaadh, waxa se’ xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu sheegaan in dhibtiisu ay gabadha ku badan tahay, sababta ugu weynina ay tahay isbeddelka bulsho ee gabadha furniika kadib ku dhaca oo aad u weyn.

In kasta oo dumar badani isu dhiibaan murugada iyo duruufaha bulsho ee guurka fashilmay kadib ay waajahaan, taasina marar badan ku keento niyad jab ay guurka dambe kaga joogsadaan, am in mustawahooda bulsho aad hoos ugu dhaco, haddana waxaa jira tiro aan yarayn oo daafaha dunida ku dhaqan, oo isku dayey in ay helaan dariiq ay kaga fakadaan xusuusaha foosha xun ee furniinka, kuwaas oo aakhirkii helay arrin ay ku qanceen in uu xalkii dhibtaa haysatay noqon karo. Waxaa ka mid ah kuwo miciin bida in ay gubaan toobka ay xidheen arooska guurkoodii fasilmay.

Waxa dhowaan dalal badan oo galbeedka ah ku soo kordhay dhaqanka ah in la qabto xaflad lagu magacaabo xafladda damaashaadka furniinka. Xafladdan oo lagu casuumo dad aan ka yarayn kuwa arooska lagu casuumo, sida arooskana farxad badan la muujinayo, ayaa gabadha la furay ay toobkeedii arooska ku dhex gubtaa, iyada oo weliba martida kale ee xafladdua kala qayb qaataan hurinta dabka iyo ku dhiirrigelinta gubista.

Sheekadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxaa qoray wargeyska Daily Mail eek a soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa lagu sheegay in dhaqannadan ugubka ah ee xafladda Furniinka ay ka mid tahay in barkulannada bulsho ee internet ka, gaar ahaan Instegram ka lagu faafiyey filimo kooban oo muujinaya daqiiqadaha gubista toobkan ee xafladda Furniinka, waxa ay gabadhu aaminaysaa in gubniinkaasi ka xorayayo culayska nafsiga ah ee taariikhdii hore e qoysnimo ku haysay, waxa aanay ku beeraysaa shucuur u diyaar ah mustaqbal cusub. Waaba sida sawirrada keeg-jarista ee arooska ay dadka qaar ugu faafiyaan barkulannada bulshada.

Waxaa xiise gaar ah leh goobta lagu gubayo toobka, oo inta badan ay dumarka la doortaan goobta ugu xusuusta badnayd ee sayga ay kala tageen ay si gaar ah u tagi jireen, ama xusuusta ku lahayd xidhiidhkoodii, iyada oo wadata martidii xafladda kala qayb gashay ayaa ay goobtan ku gubtaa toobka, markaasaa ololka marada sacab, foodhi iyo mushxarad lagu soo dhoweeyaa. Waxaa mararka qaarkood dhacda in gabadha la furay inta ay bannaanka magaalada ula baxdo toobka arooska, martida xafladda joogtayna sii kaxaysato, in toobka sida ruux dil laga soo laalaadiyo tiir laba ruku ku taagan, kadibna ay ku shiishto rasaas iyada oo inta badan adeegsanaysa qoryaha ugaadhsiga loo adeegsado.