Dhibaatada Caafimaad Ee Qofka Waxaa Laga Garan Karaa Calaamado Ka Soo Ifbaxa Wejigiisa: Foodda Hore ee Wejiga

0
680

London (Geeska)- Horumarka laga sameeyey cilmiga caafimaadku waxa uu ina barayaa in maqaarka aadamuhu uu yahay muraayad laga dheehanayo xaaladda caafimaad ee ka jirta jidhka gudihiisa. Dadka saacado hurdo oo ku filan seexda, biyo ku filan cabba, iskana jira in ay ku talax tagaan cunista cuntooyinka dufanku ku badan yahay, waxa ay inta badan leeyihiin maqaar/dub aad u nadiif ah, midabkiisu dhalaal dabiiciya leeyahay kana qurux badan maqaarka dadka ku talax taga cabbista sharaabka leh maadadda Caffiene iyo maandooriyaha oo ay inta badan jidhkooda ka muuqdo jajab, caweef iyo diifi, aadna ugu nugul cudurrada.

Sida ay caddeeyeen dhakhaatiirta ku xeeldheer caafimaadka maqaarku, burooyinka, finanka iyo nabarrada ku samaysma maqarka, iyo midab doorsoonka ku dhaca wejigu waxa ay calaamad u yihiin xaalado caafimaad darro. Marka hoos loogu sii dhaadhacana qayb kasta oo ka mid ah qaybaha wejiga oo gaarkeeda loogu arko xaaladaha aynu kor ku soo xusnay ayaa u taagan caalamad u gaar ah xaalad caafimaad, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay.

Waxa ay khubaradu sheegeen in wejiga oo keliya oo la eegaa ay ku filan tahay in dhakhtarka takhasuska ahi uu ku garto dhowr xaaladood oo caafimaad darro, kuwaas oo ay ugu horreyaan fuuq-baxa, biyo la’aanta daalka, dhibaatooyinka dhinaca neefsiga iyo xitaa haddii ay jiraan isbedello dhinaca hormoonka ahi.

Qormadan waxa aynu ku dul istaagaynaa qayb kasta oo wejiga ka mid ah calaamadaha haddii lagu arko lagu garanayo xaaladda caafimaad darro ee qofka haysa.

1. Foodda: Finanka iyo nabarrada kale ee laga yaabo in lagu arko wejiga qaybta foodda, oo weliba xagga timaha ku dhow, waxaa inta badan lagu gartaa timaha qofku ay yihiin kuwa duxda leh. Sida maqaarku uu ugu qaybsamo mid subkan iyo mid ingagan ayaa ay timuhuna u leeyihiin nooc dufan dabiici ah leh iyo ku qallayl ah. Sida oo kael waxa ay nabarradani calaamad u noqon karaan in qofku uu isticmaalo kiriimo iyo bootarro kuwa la isku qurxiyo ah oo aanu marka dambe iska masaxin ee uu ku daayo jidhkiisa.

Haddii ay labadaas arrimood ee sahlan noqon weydo waxa ay khubaradu sheegayaan in ay calaamad u noqon karaan cillad dhinaca nafaqada iyo cuntada ah, tusaale ahaan maqaarka fooddu waxaa si toos ah u saamaysa shaqada dheefshiidka. Waxa kale oo ay noqon kartaa cuntada uu qofku cunay oo aan ficinayn, Fayras cuntada u raacay, cuntada oo uu qofku boob ku cunay iyo arrimo la mid ah.

Waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa fuuq-bax, biyo la’aan jidhku tirsanayo ama xaalad caafimaad darro oo dhinaca kaadi haysta ka jirta. Ugu dambayntii waxa ay dhakhaatiirta caafimaadku xuseen in finanka iyo nabarrada ka soo baxa foodda hore ee wejiga lagu garan karo in ay qofka haystaan xaalado caafimaad darro oo la xidhiidha xiidmaha, dhididka iyo xaalado nafsi ah oo qulubku ka mid yahay

Talo:

Waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in qof kasta oo isku arka finan, baro ama nabarro yaryar oo wejiga fooddiisa ka soo baxay uu marka kowaadba dib u eegis ku sameeyo nooca cuntada uu cuno, isla markaana uu badsado cuntooyinka dheecaanka leh, sida Camba babayga, Cananaaska, Afakaadhada, Saliid Saytuunta, Cambe Maangaha iyo in badsado cabbista biyaha oo uu maalintii gaadhsiiyo ugu yaraan 8 koob. Waxa kale oo la gudboon in dib ugu noqdo saacadaha uu seexdo, kuna dadaalo in habeenkii toddoba saac oo xidhiidh ah seexdo.