Cudur Dhif Ah.. Laba Carruur Ah Wax Maqlaya Laakiin Aan Hadli Karin, Hilibkana Caydhinka Ku Cuna

0
565

Riyaad (Geeska)- Laba carruur ah oo u dhashay dalka Masar, laakiin hadda ku nool magaalada Riyaad ee boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu arkay xaalad caafimaad oo hadalka ka xidhay, cuntada caydhinka ahna jeclaysiisay. Iyada oo carruurta qaar lagu arkayo in ay cunaan cunt aad uga badan inta caqligu keeni karo, halka uwa kalana uu kaba xidho cuntada, waana sida ay kala tahay xaaladda labadan carruur ah.

Xaaladdan oo ay khubarada caafimaadku ku sheegeen xaalad dhif ah oo lagu arko halkii Milyan ee qof ee kastaba hal qof oo keliya. Axmed Cabdalmaqsuud oo aabe u ah labada carruur ah ayaa shabakadda Alcarabiya u sheegay in aanu awoodin daweynta carruurtan waxa aanu gargaar weydiistay same-falayaasha ku nool Sucuudiga iyo dunidaba.

Aabo Axmed waxa uu sheegay in labadiisan carruur ah ee Ahlah oo 10 sano jir ah iyo Mubashir oo 8 jir ah lagu sheegay nooc ka mid ah cudurka faquuqa ubadka ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Autism’ kaas oo sababay in aanay quudan cunto aan caydhin ahayn, gaar ahaan hilibka digaagga, waxaa intaas dheer in xaddiga cunto ee ay cunayaan aad u badan yahay, si hamuum yaab leh ahna u cunayaan. Waana sababta keentay in Ahlka uu miisaankeedu hoos ugu dhaco 20 kg oo keliya, halka wiilka Mubashar uu miisaankiisu ka sii socdo 65 kg, iyada oo weli da’diisu 10 sano tahay.

Axmed waxa uu sheegay in wiilkiisu uu 24 ka saac cunto u baahan yahay, laakiin inantu aanay cunto cunayn, waxaa intaas u dheer wiilka oo leh dabeecad aad u qallafsan oo mar kasta gacan ka hadal ku haya walaashii. Waxa kale oo labadan carruur ah ka xidhan hadalka, in kasta oo ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in maqalkoodu caafimaad qabo.

Aabahan ayaa aad uga cawday warbaahinta oo uu sheegay in ay aad u buunbuunisay qisada labadiisa carruur ah iyaga oo ka leh dano ganacsi oo ay dhegaha bulshada ku kasbanayaan. Iyada oo warbaahinta qaarkood ay labadan carruur ah ku sheegeen in ay cunaan hilibka dadka, sidaa awgeedna ay waajib tahay in xukuumaddu wax ka qabato, arrintaas oo cabsi ku beertay bulshadii isla markaana meesha ka saartay naxariistii ay ka heli lahaayeen bulshada ee lagu caawin lahaa.

Aabahani waxa uu sheegay in uu raadiyo shaqooyin kala duwan oo habeen iyo maalinba uu ka shaqeeyo isaga oo ana saacad hurdo ah doonayn, si uu u ururiyo lacag ku filan in labadan carruur ah uu ku geeyo dalka Jarmalka oo loogu sheegay in xaaladahan oo kale lagu dabiibo.