Dawladda China Oo Lagu Eedeeyey In Ay Xarunta Midowga Afrika Ee Addis Ababa Ku Rakibtay Qalabka Wax Lagu Basaaso Iyo Jawaabta Shiinaha Iyo Ururka AU

27
2977

Addis Ababa (Geeska)- Shiinuhu Shanti sano ee u dambeeyeyba waxaa u suurtagashay in uu basaaso dhammaan arrimaha xasaasiga ah ee ka dhex socda gudaha xarunta weyn ee Midowga Afrika, oo ku taalla magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya. Sidaa waxaa lagu sheegay uu dhowaan faafiyey wargeyska Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska oo warbixintiisa ku sheegay in dawladda Shiinaha oo iyadu dhismahan aadka u casriga ah u dhistay Midowga Afrika, in xilligii dhismaha ay qalabka wax lagu basaaso ku rakibta xafiisyada, jaran-jarrooyinka iyo qolalka laga raaco wiishka ee xaruntan.

Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljasiira waxa kale oo uu wargeysku ku sheegay in inkasta oo si aad u adag loo ilaaliyo ammaanka xaruntan oo ay wasiirrada iyo madaxda dawladaha Afrika ku kulmaan ugu yaraan sannad kasta laba jeer, si ay uga wada xaajoodaan arrimaha muhiimka u ah qaaradda, haddana in ay weli jirto khatar dhianca amniga xogta ah oo aan la arkayn, taas oo ay is diidsiiyaan inta badan ee madaxda iyo diblumaasiyiintu.

Bishii Koowaad ee sannadkii hore 2017 ka, ayaa unugta Kombiyuutarrada ee Midowga Afrika waxa ay shaaca ka qaadday in kombiyuutarradeedu iyada oo aanay hawl u hayn ururka, haddana si la yaab leh u mashquulaan maalin kasta habeen badhka iyo niska dambe ee habeenkii, saacadahaas oo caadi ahaan xafiisyada xaruntu madhan yihiin wax shaqo ahina aanay ka socon.

Wargeyska Le Monde waxa uu sheegay xeeldheer kombiyuutar oo arrintani dareenkiisa soo jiidatay uu baadhis dheeraad ah ku sameeyey sababta iyo halka uu mashquulku ka imanayo, waxa aanu ogaaday in xogta ku jirta kombiyuutarrada Midowga Afrika iyo sirahoodaba si baaxad leh loogu xawilo kayd Kombiyuutar (Server) aanu garan halka uu yaallo, laakiin ogaaday in uu xarunta Midowga Afrika u jiro masaafad dhan 8 kun oo Kiiloomitir, taas oo markii la eegay magaalooyinka masaafaddaas u jira Shiinaha, lagu qiyaasay in kombiyuutarka xogta loo diraa uu yaallo meel ka mid ah magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha. Wargeysku waxa uu intaas ku daray in baadhitaankaasi uu sida oo kale soo saaray cod-baahiyeyaal ku dhex samaysnaa miisaska Shiinuhu ku qalabeeyey xarunta iyo gidaarrada.

Wargeyska Le Monde ee sameeyey baadhitaankan Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daraya in dhismahan iyo gebi ahaanba qalabayntiisa oo ahaa hadyad uu Shiinuhu ugu deeqay saaxiibbadiisa Afrika oo uu ku wareejiyey sannadkii 2012 ka, ay kaga tageen nidaam ogolaanaya in la daalacdo dhammaan xogaha ku kaydsan ama la isku weydaarsado gudaha xarunta. In kasta oo sida uu wargeysku sheegay ay masuuliyiinta Midowga Afrika mar ka gaabsadeen in ay wax ka yidhaahdaan arrintan oo uu wax ka weydiiyo, haddana waxa uu sheegay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shanti sano ee u dhexeeyey 2012 illaa 2017 la arkay xogo qarsoodi ahaa oo si aan la fahmin ugu dusay bannaanka. Si kastaba ha ahaato ee masuul ka tirsan midowaga Afrika oo magaciisa qariyey ayaa wargeyska Le Monde oo arrintan ka hoos uga waraystay ku yidhi, “Muddo dheer ayaa uu xaalku sidan ahaa, markii aanu ogaannayna waxa aanu doorbidnay in aanu ka kaaftoonno farsamayaqaannadii Shiinaha ahaa ee xarunta ka hawlgalayey, annaga oo iska ilaalinnay in aanu arrintan ka hadalno ama sababayno si aanay fadeexadi u kicin. Waxa kale oo aanu samaynay tallaabooyin dheeraad ah oo aanu ku adkaynayna amniga kombiyuutarradayada.

Wargeyska Le Monde waxa uu sheegay in intii waqtigaas ka dambaysay uu Midowga Afrika bilaabay in uu adeegsado kaydad kombiyuutar oo u gaar ah, isaga oo diiday deeq uu Shiinuhu u soo jeediyey o oahayd in uu isagu hawshaas u qabto. Tallaabooyinka kale ee uu Midowga Afrika qaaday waxaa ka mid ah, in dhammaan isgaadhsiinta internet ka marta ee xaruntan laga dhigo mid xidhan (Ereyo iyo tirooyin ama astaamo afgarasho isu beddelaya), waxa kale oo la joojiyey in xogtaasi ay khadadka shirkadda isgaadhsiinta Itoobiya ee Ethio-Telecom, oo ah shirkadda rasmiga ah ee maamusha taleefannada dalka Itoobiya. Waxaa intaas dheer in masuuliyiinta sare ee Midowga Afrika ee xarunta ka hawlgala loo sameeyey khadad isgaadhsiineed oo dibadda ah iyo barnaamijyo amni oo dheeraad ah.

Wararkan ayaa markii ay soo baxeen kaddib waxaa si wada jir ah 30kii Bishii koowaad ee sannadkan 2018 u beeniyey dawladda China iyo Ururka Midowga Afrika. Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Midowga Afrika, Kuang Weilin oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in uu yahay war macno darro ah oo la doonayo in lagu dhaawaco xidhiidhka ka dhexeeya dalkiisa iyo Qaaradda Afrika.

Xarunta dhexe ee Midowga Afrika oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa ay ku baxday lacag dhan 200 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaa kharashka wada bixiyey dawladda Shiinaha oo isla markaana iyadu dhismaha dhistay, taas oo qayb ka ahayd dadaal uu Shiinuhu doonayo in uu ku sii adkeeyo xidhiidhka sii xoogaysanaysa ee uu la leeyahay qaaradda dihin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here